Home"Markii xisbigaygii UDUB iga burburay, ILLAAHAY ayaa silic i baday oo waanigan...

“Markii xisbigaygii UDUB iga burburay, ILLAAHAY ayaa silic i baday oo waanigan kolba mid galaya” – Wasiir Siciid Sulub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga mudane, Siciid Sulub Maxamed, ayaa ku eedeeyeey xisbiyada Somaliland inay yihiin kuwa dadka u kala saaray Qabaa’il oo qofkii murrashaxnimo doonaya ku xidhaya inuu soo kaxayso odayaasha reerkiisa.

Siciid Sulub oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sido kale muujiyey in aanu ku qanacsayn saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland, isaga oo soo jeediyey in la furo Xisbiyada, waxaanu yidhi. “Xisbiyadii ayaa imika wadaa in ay dadkii qabaa’il u kala saarto, waxaynu ku jirnaa in qofka murrashaxa la yidhaahdo reerkiinnii soo kaxayso, odayaashaadii iyo cuqaashaadii meeday.

blankWaxa aynu ku bilownay qofka taageerayaashiisa inaynu waydiino, tusaale ahaan halkan Burco xafiiskii u horreeyay ee laga furay kii xisbiga UDUB ayuu ahaa, doorashadii ugu horraysay waxaa aanu ku xidhnay keen boqol iyo konton qof oo taageerayaal ku ah, oo qaadhaanka bixiya, oo isku dhex jira.

Waxaa ina dilay Distoorkii iyo Shuruucdii aynu samaysanay kuma dhaqano, axsaabtii qaybkii aynu ugu tallo galnay in aanay qabiil noqon in aanay gobol noqon Dastuurkeena ayay ku qeexan tahay, haddana gobollaysi iyo qabyaalad ayaynu u baddelay in reer hebel leeyihiin xisbigii, marka ka guurimayne, haddii aynu cod baahiyayaashana wax wanaagsan kaga haddalo ficilka xafiisyada iyo guryuhuna wax kale noqdaan bahashii waynu doonaynaaye aynu ku soo celino sideeni hore amar iyo is maqalka ahayd ee kala danbaynta ahayd, cumaamadahan faraha badanina marka meesha way ka bixi hadaynu qabyaaladii asalka ahayd ku noqono.”

Wasiir Sulub oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Marka waxaan leeyahay 10 sanno wax yar ayaa ka hadhaye ha la sameeyo Xisbiyo cusub dadka iyo qaranka isku xidho.

Waxa aan sidaasi u leeyahay, anigu maanta KULMIYE ayaan ku jiraa, shalay WADDANI, tii ka soo horreysay waxaan ahaa aasaasayaashii Xisbigii UDUB.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markii xisbigaygii UDUB iga burburayna ILAAHAY ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub Maxamed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories