Home“Markii wasaaradda la ii magacaabay cabsiyo badan ayaa laga sheegayey, adigana (Agaasimaha)...

“Markii wasaaradda la ii magacaabay cabsiyo badan ayaa laga sheegayey, adigana (Agaasimaha) waan filayaa in wax lagaaga sheegay, laakiin…” – Xaglatoosiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xaflad xilalka ay maanta kula kala wareegayeen Agaasimahii hore wasaarada Caafimaadka,  Cabdi Guray Agaasimaha Cusub Dr. Cismaan ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Caafimaadka.

Xafladaa oo wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, wasiir-xigeenka Nimco Adan Qowdhan, masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka ee gobolada dalka, madaxda hay’adadaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ee wada shaqeynta leeyahiin iyo martisharaf kale ka soo qeygaleen, ayey ugu horeyn Wasiir-xigeenka Caafimaadka Nimco Qowdhan,  warbixin kooban ka bixisay muddadii saddexda sannadood ee wasaarada ay joogeen hawlaha ay qabteen ayey sheegtay “Inay siyaasado cusub abuureen kuwo hore oo jirayna dib u habayn ku sameeyeen, loona baahan yahay inaanay miiska saarnaan ee la dabakho. Siyaasadii caafimaadka qaranka oo 1999-kii la sameeyey dib u habayn ayaan ku samaynay, wakhtigana waa u diyaar in la dabakho ka dib markii Madaxweynahu digreeto ku soo saaray.”

Agaasimahii hore wasaaradda Caafimaadka, Cabdi Axmed Nuur (Guray) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay “In shalay maalin weyn u ahayd soo gebabaysay muddo saddex sannadood uu ka soo shaqeynayey wasaarada Caafimaadka. Kamana fogaan shaqadii wasaaradan oo meelo badan ayaan ka soo gelayaa wasaarada lay bedelay, immikana waan sii sahansaday wadooyinkii aan u soo mari lahaa wasaarada caafimaadka.”

agaasimaha-caafimaadka-439x300Agaasimaha cusub ee wasaarada Caafimaadka, Dr. Cismaan, oo xafladaa ka hadlay ayaa sheegay “Inuu yimi wasaarada masuuliyiin dhalinyaro ahi uga sii horeysay sida wasiirka iyo wasiir-ku-xigeenka, rajeynaya inay iska kaashan doonaan hawsha wasaarada dhamaantood. Dadkeenu dhaqaalahoodu ma badna, markaa waa inaan dardar gelino xarumaha caafimaadka ee xukuumadu gacanta ku hayso si adeeg caafimaad jaban uga helaan. Sidoo kale, waa inaan qorshahii horumarka Somaliland ee wasaarada Qorshayntu samaysay ku dedaalo inaan qeybta innagaga began ku dabakhno waxqabadkeena.”

Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan  Ciise, (Xagla-toosye) oo madashaa soo xidhay ayaa sheegay  “inuu Agaasimaha cusub soo dhoweynayo, isaguna (wasiirku) wax badan aanu ka soo horeyn balse ilaa 10 maalmood tahay, laakiin, ay joogaan wasaarada shaqaale hawshooda ka adag ilaa inta aynu la qabsanayno. Markii wasaarada la ii magacaabay cabsiyo badan ayaa laga sheegayey, adigana (Agaasimaha) waan filayaa in wax lagaaga sheegay, waxba ma jiraan ayaan ku leeyahay soo dhowow.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories