HomeMarkabkii ugu Xajmi weynaa oo ku soo Xidhay Dekedda Berbera iyo Masuuliyiinta...

Markabkii ugu Xajmi weynaa oo ku soo Xidhay Dekedda Berbera iyo Masuuliyiinta oo ka hadashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Madaxda Dekedda Berbera, ayaa faahfaahin ka bixiyey munaasibad lagu soo dhaweeyey Markabkii ugu weynaa ee ku soo xidha Dekedda muddadii ay jirtay, kaas oo maanta soo gaadhday. .

 

Markabkan oo Xambaarsan 1,400 Koontiiran, isla markaana dhererkiisu gaadhayo laba boqol oo Mitir, ayaa waxa shixnado ka soo qaaday Wadamo kala duwan oo ay kamid yihiin Shiinaha, Imaaraadka iyo Sucuudiga.

blank
Maareeyaha Dekedaha Somaliland

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Cabdilaahi Xasan oo ka hadlay imaanshiyaha Markabkan ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay Qaranka “Maanta waxa Farxad inoo ah in Markabkii ugu weynaa ku soo xidhay Dekedda Berbera, waxa kale oo farxad noo ah in Shaqaalaha Dekedda ee qaybta Marine-ku ay ku guulaystaan inay markabkaasi si fudud u soo xidhaan. guul weyn ayey u tahay Qaranka Somaliland iyo Shaqaalaha Dekedda, waxaasina waxay ku yimaadeen tacabka la geliyey Shaqaalaha ee uu Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey” ayuu yidhi Maareeyaha oo tilmaamay inay hadda bilaabmeen Maraakiibtii waaweynayd ee Dekedda isticmaalayey.

 

“Waxaan rajjeynaynaa inay sidaa ku bilaabmeen Maraakiibtii waaweynayd iyadoo talaabadani ay bilow u tahay, waxaan hambalyeynayaa Shaqaalaha Dekedda, gaar ahaan kuwa soo xidhista Maraakiibta” ayuu raaciyey.
Dhinaca kale, Maareeyuhu wuxuu sheegay in ay qalabaysan yihiin Shaqaalaha Dekeddu, dhawaan soo gaadhi doono qalab kale oo lagu tayeynayo howlaha Dekedda, sida Taagag iyo agab kale.

blank

Maareeye ku-xigeenka Dekedda iyo masuuliyiin kale oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay inay Dekeddu horumar ku talaabsanayo marba marka ka dambeysa, dhismaheeduna uu socdo Dekedda weyn ee ay Maalgelinayaan Shirkadda DPWORLD iyo Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories