HomeMarkab Sida Deeq Raashin Dowladda Turkiga ugu talogashay shacabka Somaliland oo Dekedda...

Markab Sida Deeq Raashin Dowladda Turkiga ugu talogashay shacabka Somaliland oo Dekedda Berbera ku soo beegan, nooca iyo caddadkeeda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

sad-3Mersin (SLpost)- Xukuumada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mucaawino gaadhaysa shan kun oo ton, soo gaadhsiin doonto shacabka Somaliland, isla markaana markabkii siday ka soo shiraacday magaalada Mersin ee dalkaas.

Sida lagu faafiyey mareegta xafiiska Qunsulka Turkigu ku leeyahay Somaliland oo aanu warkan ka soo xigannay, ayaa  lagu sheegay in mucaawinaydaa oo u badan sonkor iyo daqiiq, iyo noocyada kale cuntooyinka la gaadhsiin doono dhamaan gobolada Somaliland.

Markabkan oo sida deeq mucaawino gaadhaysa 11 kun ton ayaa la sheegay in loogu talogalay wadamadda Somaliland iyo Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska Qunsulka Turkiga ee Somaliland, isla markaana waxa la sheegay in qeybinta deeqdaa masuul ka noqon doonto xukuumada Somaliland.

Dhinaca kale, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa la sheegay inay xoolo gaadhaya 200 neef lo’a ah ku qaleen magaalada Hargeysa, isla markaana qoysas danyar ah oo gaadhaya saddex kun iyo afar boqol u qeybiyeen qoys walba shan kilo hilib ah.

Deeqdan hilibka ayaa la sheegay in loo qeybiyey qoysas ku kala nool degmooyinka Axmed-Dhagax, Xarunta Agoomaha, Xarunta Curyaamiinta , Cusbitaalka dadka maskaxda ka xanuunsanaya, xaafada Maxamuud Haybe, 31 May, iyo Gacan-libaax (Daami).

Deeqdan mucaawinada raashinka ee dalka Turkigu ugu talogalay shacabka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli bio horteed Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel shaaca ka qaaday in dalkiisu dib u habayn ku sameeyey siyaasadoodii iskaashiga Somaliland isla markaana mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan ka mid yihiin dhismayaal wadooyin iyo xarumo caafimaad, loona baahan yahay in shacabku  samir u yeeshaan, inta mashaariicahaasi hirgelayaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories