HomeMarka Xiddiggu ka faroorsado ayuu gal-gashaa! – Faallo By Wariye Cumar...

Marka Xiddiggu ka faroorsado ayuu gal-gashaa! – Faallo By Wariye Cumar M.Faarax

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Waxa dhaqan dabiici ah u noqday in marka xidiga siyaasadeed ka foorarsado ee culays uu ka soo waajaho albaabada badan ee uu u garaaco si uu u kasbado codka dadweynaha, ayuu  gal-gashaa  oo uu xag-xagtaa  dhinacyada siyaasadda uu kula hirdamayo.

Waxa uu xajiimeeyaa siyaasigan hadhkii la hadalka ahi dhinacyada uu loolanka kula jiro.waa Maxamed Cabdi Gaboose oo ummadda reer Somaliland ay codkooda ugu quus-gooyeen doorashadii u horeysay ee dalka ka dhacday 15-kii bishii December 2002-dii. Waxa uu xiligaasi ka mid ahaa Urur-siyaasadeedkiisii SAHAN afartii urur ee ku hadhay tartankii doorashada goleyaasha deegaanka, waxaana shacbigu ay u quus-gooyeen isagoo wakhtigaasi wajigiisu  ku cusbaa miidaanka siyaasadda.

Dr. Gaboose waxa  war-saxaafadeedkii uu soo saaray Sabtidii todobaadkan uu kaga hadlay qodobo badan oo muujinaya bayrta iyo baqaha uu ka qabo inuu tartan la galo 8 urur-siyaasadeed iyo xisbiyo iskugu jira, taasina waxay ku dirqiday inuu af-xumaysto oo uu hafar, ribo iyo calaacal isu barkiyo xukuumadda Somaliland iyo Goleyaasha sharci dejinta oo uu u nisbiyeeyay inay madiidin u noqdeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Eedaymaha ugu dhumucda weyn  ee Tiraabtii Dr. Gaboose waxay ahayd inuu  madaxweynaha ku haaraamay inuu doonayo inay dib u dhacaan doorashada Goleyaasha deegaanku si ay doorashooyinka dambena isku sii riixaan  oo ay u suurto-gasho  inuu xafiiska sii joogo.

Eedaasi waa mid deg ku jiro oo wakhtigeedii la gaadhin, waxaanu ogayn Dr. Gaboose in Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu xiligan joogin wakhti uu ka baqdo muddo xileedkiisa oo ay uga hadhay muddo sadex sanadood ah. Waa dhaqanka abaal laawaha Guddoomiyaha Ururka UMMADU uu hilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu ahaa shakhsigii nashqadeeyay hindisaha lagu balaadhiyay saaxada siyaasadda dalka ee u babac dhigay isla markaana dumiyay cuqdadii laga qabay furitaanka tartanka ururada siyaasadda, taasi oo midhihii ka soo baxay uu Gaboose ka mid ahaa ka faa’iidaysteyaashii mawduucan.

Waxa kale oo jirtay in Madaxweynuhu uu Komishanka doorashooyinka u qadimay oo uu u fudeydiyay  lacagtii 25% ahayd ee miisaaniyadda doorashada ee xukuumaddu ku darsato dhaqaalaha lagu hirgeliyo doorashooyinka oo muddo badan laga sugi jiray xukuumadii Rayaale.

12-kii bishii December 2011-kii markii Digtoorku ku dhawaaqayay urur-siyaasadeedkiisa waxa uu Madaxweynaha Somaliland ee uu cambaareynayo ku ammaanay wakhtigaasi inuu madaxweynuhu sameeyay geesinimo weyn, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, oo fursadan maanta isaga la’aantii aanay suurto gasheen, waxaanay arrintan furashada ururaddu go’aan adag ku ahaa xisbigiisa, shacbigiisana tallada weydiiyay ee shacbigu ku raacay, ayuu is waafajiyay balamadii uu galay xiligii olalaha doorashada. Waxaanu u badheedhay inuu xisbigiisa tartanka geliyo haddii uu doono ha ku hadhee.”

Waxa kale oo uu dharaartaa Digtoorku Madaxweynaha ku majeertay daacadnimo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan Madaxweynaha u haynaa ciso iyo sharaf, waxaanan hubaa inuu dalkiisa iyo dadkiisa daacad u yahay, laakiin haddana kama madhna inay wax badani ka khaldanaan karaan, waxa mucaaridka loo sameeyay inay wax caayaan ee waa in ay dawladda u tilmaamaan wixii ka khaldan.”

Waxa kale oo war-saxaafadeedkii Dr. Gaboose uu si xun ugu gal-gashay Mudaneyaasha Goleyaasha sharci dejinta oo uu ku sifeeyay kooxo sharci darrada taabacsan oo ka shaqaynaya inay suul-daaraan doorashada deegaanka. Waxa uu wakiilada la soo doortay  la sii jiidhay   xiqdiga uu u hayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay isku jifo yihiin isla markaana kaga cudud batay hirdanka hoose ee beeshooda.ka dib markii ay si fudud uga kala daateen hindiseyaal uu damacsanaa inuu ka shaambadaysto shirkii Tallo iyo Tawfiiq ee beelaha Habar-yoonis ay buurta Daallo ee duleedka Ceerigaabo ku yeesheen  dhawaan oo ay sida xunbadda u gudheen olaleyaal siyaasadeed ku foognaa oo rajeynayay inay shirkaasi ka soo baxdo.

Waxa hadalka   Dr. Gaboose uu ka dhigan yahay nin sara-jooga ku salaamo-naqsaday iyadoo aan la is gaadhinba taasina waa sababta keentay inuu madi ku ahaado ururkiisa oo aanu  ku jirin xataa hal qof oo  miisaan iyo magac ku dhex leh bulshada Somaliland. Halka Ururka WADANI oo uu had iyo jeer ku dherersadaana ay xubno ka yihiin in ka badan sodon Xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka.

Waa suurto-gal marka xaraarada  doorashadu soo dhawaato inuu Komsihanka doorashooyinkana ku eedeeyo inay gacan saar la leeyihiin xukuumadda oo aanu ku kalsoonayn garsoorkooda doorashada. Kalsoonida iyo iimaanka shacbigu ku qabaan  Guddoomiyaha Ururka UMMADA waxay cadaan doontaa maalinta codbixinta doorashada deegaanka, waxaana  qof waliba uu codkiisa u hibayn doonaa ururka/Xisbiga iyo murashaxa uu jamanayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaan ku soo gunaanadayaa inaanay xumada kursigu  Digtoorka madaxa ku dhufan xili aan garoonkaba cagta la soo gelin, waxa la gudboon  inuu raali-gelin ka bixiyo  qadafka badheedhka ah ee uu  u soo jeediyay Xildhibanaada goleyaasha sharci dejinta oo ah wakiilada rasmiga ah ee bulsho-weynta kuwaasi oo  shuruucda dalku siiyay xasaanad dastuuri ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories