Home'Marka Uu Muuse Biixi Haakah Yidhaahdo!! - Qalinkii Khadar Hassan H. Ahmed

‘Marka Uu Muuse Biixi Haakah Yidhaahdo!! – Qalinkii Khadar Hassan H. Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

khadar-axmedMarka laga hadlayo halganka iyo sooyaalka siyaasadeed ee Cabdicasiis Maxamed Samaale waa taariikh inta badan laga wada war qabo balse waxaan si yar oo kooban u eegi doonaa saddexdii marxaladood ee u dambeeyey ee uu soo maray Cabdicasiis Samaale.

Bishii March sanadkii 2012-kii ayaa Madaxwaynaha Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale u magacaabay wasiirkiisa maaliyadda, Muddo saddex sano ah oo uu Cabdicasiis Samaale xilkaas hayay waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu cad-cad golaha wasiirada, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka madaxwaynaha ugu dhaw.

Cabdicasiis Samaale sidoo kale waxa uu ka mid ahaa xubnaha kooban ee sida waalida ah u difaaci jiray Madaxwayne Siilaanyo, isagoo goob kasta iyo goor kasta ku dedaali jiray inuu daahiriyo Madaxwaynaha, iyadoo la odhan karo Cabdicasiis waxa uu qaatay saddex sano oo xusuus leh oo ay ku xeeran tahay guulwadayn isagoo caan ku noqday odhaahyo ay ka mid ahayd “Markii uu Siilaanyo Haakah yidhaahdo ayaan tartamayaa”

Balse sannadkii 2015-kii bishii March ayuu soo afmeermay xidhiidhkii saaxiibtinimada iyo kalgacalka lahaa ee u dhexeeyey Madaxwaynaha iyo Samaale, kadib markii xilkii wasaaradda maaliyadda laga qaaday loona bedelay wasaaraddii waxbarashada, Cabdicasiis Samaale isagoo tirsanaya godob hore uu Madaxwayne Siilaanyo ka galay oo ahayd inuu ku qanciyey inuu Muuse Biixi uga hadho guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ayuu dareemay inuu Madaxwaynuhu godobtii labaad ka galay isagoo u arkayay inuu siqiirinayo hankiisii murashaxa Madaxwayne-nimo ee xisbiga KULMIYE.

Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu si dad ban u sheegay in talada xilka lagaga qaaday aanu Madaxwayne Siilaanyo kali ku ahayn oo lagu weheliyo, waxaana uu si cadho leh uga hadlay sida uu madaxwaynuhu u xumeeyey saaxiibtinimadii dhexdooda taalay, sidoo kale Cabdicasiis Samaale ayaa maalintii uu xilka wareejinayay weerar ku qaaday marwada Madaxwaynaha Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, waxaana ay arrintaasi sii kordhisay dareenka u dhexeeya qoyska Madaxwaynaha iyo Cabdicasiis.

Markii uu soo dhawaaday shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Madaxwayne Siilaanyo-na si toos ah ula saftay Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Samaale waxa uu la midoobay kooxdii xukuumadda iska casishay ee uu Maxamed Biixi Yoonis hogaaminayay, waxaana ay ku dhawaaqeen garabkii isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE, mudadii uu garabkaas ka mid ahaa waxa jiray dhaliilo iyo hanjaabdo badan uu Madaxwayne Siilaanyo u jeediyey isagoo aad moodo inaanu ahayn Samaalihii Maaliyadda joogi jiray.

Ugu dambayn waxaa soo baxay warar sheegaya inuu Cabdicasiis Samaale heshiis la gaadhay Guddoomiyaha KULMIYE, Madaxwaynah Somaliland iyo qoyskiisa, iyagoo wararku sheegay intaas ku daray  bedelkeeda loo magacaabi doono madaxa ololaha xisbiga kULMIYE.

Waxaanay xantaasi soo shaac baxday kadib markii uu Samaale weheliyey safarkii Madaxwaynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE ku tageen gobolada bariga, waxaana baraha bulshada lagu dawaagay sawirro muujinayo Samaale oo farxad waali ahi ka muuqato iyo isagoo muujinaya inuu diyaar u yahay inuu Muuse Biixi dhiso.

Waxaa jirta odhaah ingiriisi ah oo tidhaada “Don’t love too much, don’t hate too much, don’t help too much, because every too much may harm you too much” oo micnaheedu yahay “cidna aad ha u jeclaanin, cidna aad ha u nicin, cidna aad  ha u caawin, waayo wax kasta oo aad xoog u samaysaa waxa laga yaabaa inuu xoog kuu dhaawaco”,waxaan uga socdaa qof kasta oo shaqo idinka dhaxayso ama saaxiibtinimo aad wadaagtaan maaha inaad si xad dhaaf ah u aaminto.

Hadaba waxaan Cabdicasiis Samaale odhan lahaa ha daaline raxlaynta kaydso, haddiii hore laguugu bartay ammaanta Madaxwaynaha, Hadana aad u xadhko xidhatay dhaliisha Madaxwaynaha markii aad isa seegteen, fadlan markan yaan lagaa maqlin Muuse Markuu Haakah yidhaahdo ayaan tartami doonaa iminkana isaga ayaan dhisayaa.. inaad dhisto oo aad tanaasushay waaba raganimo laakiin inaad mar kale Muuse u raxlaysaa waxa ay hoos u dhigi doontaa qiimahaaga qofnimo.

Khadar Hassan H.Ahmed

Khadar2424@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories