HomeMarka Qashinku Gaadho Heer Dalku Iska Guri Kari Waayo Ee Uu Raadiyo...

Marka Qashinku Gaadho Heer Dalku Iska Guri Kari Waayo Ee Uu Raadiyo Dal Kale Oo Uu U Daabulo Si Loo Gubo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

eyruut (SLpost)- Guddoomiyaha haayadda horumarinta iyo dib-u-dhiska ee dalka Lubnaan Nabiil Al-Jasar ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo Lubnaan ay doonayso in ay gurto qashinka buux dhaafiyey Beyruut meel loo gurana la waayey ay dalka Ruushka ka heshay ogolaanshiyo ah in xashiishkaas loo raro dhulkiisa laguna gubo.

Masuulkan ayaa sheegay in qashinkan oo lagu tilmaamay masiibo qaran oo Lubnaan haysatay sannad iyo badhkii u dambeeyey la rari doono marka heshiiska labada dal ay dhaqso kala saxeexdaan. Laakiin warar ka soo baxay dalka Ruushka ayaa sheegaya in aanay jirin shirkad dalkaasi fasax u siisay in ay qashin ka soo rarto Lubnaan, waxa aanay sheegeen in shirkaddani ay ka diiwaangashan tahay Jamhuuriyadda Latvia ee aanay ka diiwaangashanayn dalkooda.

Ruushku waxa uu sheegay in qashinka Lubnaan aanay dalkooda u qaadi karin maadaama oo uu aad u badan yahay isuguna dheg-dhegay sidaa awgeed dib uga faa’idaysigiisu adag yahay, isla markaana masaafadda u dhaxaysa Lubnaan iyo Ruushkhu aad u kala fogtahay oo kharash badan rarku u baahanayo.

Dalka Lubnaan ayaa la ciirciiraya qashin uu awoodi waayey dib uga faa’idaysigiisa, isla markaana ka batay xadkii ay dowladdu u heli lahayd meel ay ku gubto ama si kale oo ay u maamusho. Arrintan oo noqotay qadiyad siyaasi ah ayaa dooddeedu sannad iyo badhkii u dambeeyey ka taagnayd dalkaas, waxa aanay dhaawac weyn gaadhsiisay sumcadda masuuliyiinta xukuumadda dalkaas.

Xigasgo Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories