HomeMARKA MADAXWEYNUHU SALAADA ROOBDOONTA HOGAAMIYO ROOB BAA DI'I JIREY,MAXAA JIRA IMINKA?

MARKA MADAXWEYNUHU SALAADA ROOBDOONTA HOGAAMIYO ROOB BAA DI’I JIREY,MAXAA JIRA IMINKA?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Shaqaaqadii dhex martay ciidamada badda ee Somaliland iyo Jabuuti waxay kusoo dhamaatay gorgortan wanaagsan iyo guul.Qaabkii qaranimo ee madaxdu xilka isaga saartay waxay ahayd talaabo ku dayasho mudan,hambalyo Wasiir waran cade,Wasiir Buureed iyo Taliyaha ciidanmada Badda General Xiirane.Dadaalka xukuumada ee Gurmadka abaaruhuna waa mid lagu diirsaday.

Dhowrkii jeer ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyey Salaada roobdoonta wixii ka horeeyey tii ugu dambeysey roob baa di’i jirey weliba roobabka qaarkood waxay curan jireen saacaddo gudahood.kuwa xaasidnimada iyo munaafaqnimadu isu raacday waxay odhan jireen Madaxtooyadu waxay la socotaa Saadaasha hawada oo sitilaaytka ayay kasoo arkeen.Dadka sidaa u hadli jirey Illaahay denbigooda inagu halaagi maayo oo wuu dulqaad iyo garasho badan yahay.Wax kale ma
jiraanne Illaah baan weli amrin inuu roob da’o.

janadii fardowsa Illaah haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Casayr oo ahaa taliyihii ciidanka Bilayska ee gobolka Saaxil iyo marxuum Yuusuf Muuse oo isagana lagu diley magaalada Burco.markay arimahan xasaasiga ah oo kale yimaadaan shacabku ha muujiyaan deganaansho inta baadhitaaanku socdo,arintani waa shuqul dowladeed ma aha wax shacabka u yaal wax ka qabashadeeda.Indheer garadka iyo Salaadiinta  waxaa saaran waajib gooni ah oo looga baahan yahay inay gutaan marka ay arimo xasaasi ahi dhacaan sidan oo kale.Baadhitaanka ka dib waxaa soo baxaya maxsuul lagu qanco,hadiise lagu qanci waayo waxaa inoo banaan inaynu dareenkeena u muujino si nabadgelyo.

Dagaalkii labaad ee aduunka waxaa ku dhintay 55 Milyan oo shicib iyo ciidan isugu jira,qoladii dagaalka bilawday oo Jarmalka ahaa waxaa kaga dhintay 5 Milyan oo keli ah inta kale ee ku dhimatay waa la kaliifey,yaa ka baxsaday masiibadii dagaalka?Rag ciilkii cadaab ka doorey ma aha maahmaah cilmi ku dhisan laakiin waa wax dadka qaar yeelaan.

Marka haaddu socod deyso

Dhirta sare tukuu fuulo

Gorayadu sanqadha reebto

Adna soonka xidho maaha

Mugdi talada sii maaha

Berri iyo siday doonto

Sug cadceedda maqan maaha

Saqda dhexe habeen soocan

Gudcur simay adduunkeenna

Wax siraata noqo weeye

!Sirta nolosha iyo macalin Hadraawi!

Waxaa wanaagsanaan lahayd in Mujaahidka iyo Gudida Dan iyo Duco ay ku mashquulaan horumarinta gobolka Saaxil ee iyagoo shacabka u naxaya aanay wakhtiga kaga lumin ku jiqsii,gacmahooda ha dhigaan meel si wanaagsan looga arki karayo.

Halkan hoose ka daawo khudbadii ugu wacnayd,qaransanayd,waayeelsanayd,bislayd ee ugu shishlayd xiligan diiwaan gelinta.

 

Bashiir Tarabi Oogle,

bogleh69@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories