HomeMarka Dooda Diintu Kaa Tahay Kaaley Ila Muran.

Marka Dooda Diintu Kaa Tahay Kaaley Ila Muran.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

3 nin oo Sucuudiga ka yimid ayaan raacey waxaana an tagney guri uu degenaa nin Sheekh Ismaaciil la yidhaa. Meeshu waa xamar anna ardey jaamacadda dhigta ayaan ahaa. Saddexda ninna jaad ayay cunayeen anna waan la yara taataabtey.

Dood ayaa furantey ah shiicadu muslim hagaagsan maaha. 3 da nin Sucuudiga ayey ka yimaadeeno waxa ay ka hadlayaan sheekh hebel wuxu yidhi Shiicadu waa gaalo. Hadalkii oo socda ayaa Salaadii Casar la eedaamey, markaasuu Sheekh Ismaaciil naga baxay oo uu masaajidka tegey oo uu soo tukadey. Wuxu noo soo noqdey iyada oo weli doodii socoto oo mid leeyahay sheecadu dhagax ayay ku tukataa oo diin ma heysato. Sheekh Ismaaciil oo la yaaban dadkan diinta ku murmaya een salaadna u kaceyn ayaa yidhi “waar bal ama dhagax ku tukada ama loox ku tukada oo dadka Muslimka ah ka hadha. Wuxu raaciyey ma dadkeenii looga fadhiyey iney gaalada soo muslimiyaan ayaa Muslimkii sii kala qeybinaya oo badhkood gaalo ku sheegaya. Orda meesha ka kaca oo tukada. Sheekh Ismaaciil ayaa yidhi inta dhagaxa ku tukaneysa iyo inta ciidda ku tukaneysa ee Islaamka ah haku mushquulina.

Marmarsiyihii ayaa bilaabmey ahaa aniga surwaalkaa iga wasakh ah iyo nadiif ma ihi. Sheekh Ismaaciil oo ah Sheekh caalim ah oo aad u fududeeya arimaha ayaa yidhi salaad la adimey ood kici weydey uunbaa u darane weligaa salaad loo dareeray haka hadhin dadka wasakh iyo wasakh la’aan.

Waa halkii Sheekh Ismaaciile, Diinta Islaamka in inagu filan oo an heshiis ku nahay ayaan ka naqaan, waana waxa ina mideeya. Hadana waxad arkeysaa murano diini ah oo dhinicii doonaa ha badiyo dooda e aan waxba laga dheefeyn oo sutida la isku hayo oo dhinac walbaa Far Soomaali iyo Far Carabi wax ku qorayo. Mid walbaa xaqa hala raaco ayuu leeyahay, xaqa uu sheegayaana waa doodiisa. Mid walbaana intuu quful isku soo dhuftay oo uu dhagaha fureystey ayuu odhanayaa doodda waa inaan ku kala faa’iideysanaa.

Dadkan intooda badan waa ka muran ee kamaa aha fidinta diinta iyo difaaceeda toona. Qaarkood markaad wall-kooda gasho eed eegto qoraaladooda siyaasadda iyo la dhaqanka bulshada ayaad odhaneysaa kuwani iyagaaba wax badanid ka maqanyihiin oo ama qabiil buunbuuninaya ama ceytan siyaasadeed ku hadlaya.

Islaamka iyo Soomaalinimada inan midna hoos u dhaafo ma jecli. Ama Salafi dheh ama Sheeco dheh ama Suufi dheh, ama Qaadiriya dheh ama Saalixiya dheh waa iskugu key mid. Soomaalinimadana halkaasaan ka joogaa oo iyada oo dawlado iyo maamulo kala duwan lakala yahay, hadana qofka Soomaaliga ihi isagaa igala sharaf sareeya qof kasta oo jinsi kale ah wuxu doono ha rumeysnaadee, inan hoos u sii fadhfadhana ma jecli. Diintana inaan caqligii qabiilka u adeegsado ma rabo oon idhaa madhabtaasina waa qalad, taa kalena waa sax.

Maxamed Cali Bile

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories