Home"Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan...

“Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush, guulwadayn, mansab-bixin… Maxaa laga fili karaa Garsoorka oo aan…” – XISBIGA WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

codyareHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tilmaamay sida aanu ula yaabbanayn in Maxkamadaha dalku si caddaalad ah u qaadin dacwadaha mucaadiniinta dalka, isla markaana ay dhuuni yar dhaafsadaan garsoorkii ay masuulka ka ahaayeen, waxaanay taas sabab uga dhigeen inay xukuumadda talada haysaa baal-martay nidaamka dawladnimo ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta isla markaana ah hanti-dhowrka Guud ee Xisbiga Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), ayaa lagu sheegay inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye lumisay wada-lahaanshihii iyo kala-dambayntii dawlanimo, taasina ay sababay inay meesha ka baxaan u sinnaanta shacabka ee nidaamka cadaaladda, shaqaaleysiinta iyo Hantida Qaranka.

Warsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan: “Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah;

-Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.

-Waftiyada beelaysan ee safarada u baxa taas oo macnaheedu yahay daahfurnaan la’aanta iyo sadbursiga Xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland.

-Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan ha’yadaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo  Garsoorka  dalka.

Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay.

Waxaanu leenahay Wasiir ’Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”

Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin

Maxaa bahda garsoorka  iyo Caddaaladda  laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan  waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories