HomeMargaret Thatcher: Haweenaydii u horreysay ee Raysal-wasaare ka Noqotay Ingiriiska oo Geeriyooday...

Margaret Thatcher: Haweenaydii u horreysay ee Raysal-wasaare ka Noqotay Ingiriiska oo Geeriyooday iyo Codsi Qoyskeedu U jeediyeen Dawladda dalkaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Raysal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Margaret Thatcher oo qayb-laxaad leh ka soo qaadatay siyaasadda Casriga ah ee Dalka Ingiriiska, ayaa u geeriyootay xannuun ay muddo badan u dhul-yaal u ahayd.

Margaret Thatcher oo ka tirsanayd Xisbiga Conservative-ka,  dalka Ingiriiskana Raysal-wasaare ka ahayd intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990-kii, ayaa  caalamka ka kasbatay karaamo lagu qaddariyo iyada oo door muhiim ah ka geysatay siyaasadda Caalamka intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagada Raysalwasaaraha Ingiriiska.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.

Waxa ay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalkaas.

ThatcherMargaret Thatcher oo masraxa siyaasadda dalkaas looga Yaqaanay magaca ‘Iron Lady’, ayaa la qorshaynayaa in Aas ballaadhan loo sameeyo, in kasta oo Qoyskeedu codsadeen in lagu Sharfo Jinaasaddii loo dhigay geerida Amiirad Diana oo kale.

Afhayeen u hadlay raysal-wasaaraha Ingiriiska, , ayaa sheegay in dad badan oo xidhiidh la lahaa Thatcher lagu soo casuumi doono, ka dibna si gaar ah loo aasi doono. “Waa rabitaankii Thatcher in ciidanku ka qeybgalo aaskeeda. Markaa qeyb weyn ayey ka qaadan doonaan,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Downing Street.

Naxashka Thatcher ayaa maalin ka hor aaskeeda la geyn doonaa qasriga Westminster, ee baarlamaanka Ingiriiska. Maalinta xigtana, dhamaan gawaadhida ayaa laga xanibi doonaa waddooyinka, si naxashka loo mariyo waddooyinka iyadoo ciidamadu xabado u ridi doonaan. Halka ugu dambayn, salaan sharaf ciidamadu ku siin doonaan, sida ay uu sheegay afhayeenka xafiiska Raysalwasaaruhu.

Thatcher ayaa muddadii ay raysal-wasaaraha ka ahayd Ingiriiska loo aqoonsaday naanaysta  “Gabadhii birta ahayd.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories