HomeMareykanku Muxuu Ka Yidhi Baadhitaanka FIFA?

Mareykanku Muxuu Ka Yidhi Baadhitaanka FIFA?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washingtong, (SLpost)- Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka waxay soo saartay warbixin ku saabsan sida uu u dhacay musuqmaasuqa lagu eedeeyay FIFA iyo sida uu u dhacay, waxayna waaxda sheegtay in arrintani ay tahay sida ay baadhitaanka u fulinayaan FBI da Mareykanka.FIFFA

Waxa ay daabacday qoraal 40 bog ka kooban oo ay ka mid yihiin markhaatiyaasha, waxaana ka muuqday in madixii hore ee fulinta ee FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka uu lagu eedeynayo 10 dembi oo ka mid ah lacag is-dabamarin, lacago si xun lagu kasbado, iyo cashuur ka baxsi.

Waxa qoraalkan sidoo kale ku cad inuu sheegay ninkan in isaga iyo madaxda kale ay laaluush qaateen intuu uu socday loolankii ay South Afrika ku soo baxday ee marti-gelinta ciyaarihii 2010-kii.

Faafaahinta ayaa soo baxaysa maalin, ka dib markii madaxweynihii xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA Sepp Blatter uu ku dhawaaqay inuu is-casilaayo.

Laakiin xog-hayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa tilmaamay inuu dembi aanu galin, isla markaana  aanu ku lug lahayn qaadashada in ka badan 10 milyan oo doollar oo la sheegayo inay lunsadeen xubnaha FIFA, taasoo ah midda ay mareykanku Baadhayaan.

Mr Valcke ayaa u sheegay Info Radio ee dalka faransiiska, in isagu aanu marna ka qaybgalin musuqmaasuqa, isla markaana aanu aaminsanayn inuu is-casilo.

“Ugu horeyn, ma jirto sabab aan u idhaahdo, masii ahaanaayo xoghayaha guud, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii la soo dhaafay”, ayuu yidhi Mr Valcke.

Waxa uu sidoo kale qiray inaysan “Masuuliyad igama saarno, mana jiraan wax aan isku eedeeyo, mana dareemayo inaan dembi galay, umana qiildayayo sida aan eedlaawe u ahay.”

Dacwad oogeyaasha Mareykanka waxay tilmaamayaan inay baadhayaan isku xidhnaanta arrintan, iyagoo ka shakisan in laaluush la bixiyay xilligii ay socotay codeyntii ciyaarihii 2010-kii ee South Afrika ay qabatay.

FIFA waxa ay sheegeysaa in lacagtaasi ay South Afrika ku caawisay ciyaaraha Caribbeanka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories