HomeMareykanka iyo Ruushka oo ka heshiiyay arrinta Suuriya

Mareykanka iyo Ruushka oo ka heshiiyay arrinta Suuriya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegaya in ay isku raaceen Ruushka dedajinta sidii kala guur siyaasadeed looga gaari lahaa dalka Suuriya.

Waxa uu hadalkaasi sheegay kaddib markii uu kula kulmay Moscow, madaxweyne Putin.John Kerry waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Putin ay ku heshiiyeen in ay cadaadis ku saaraan madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad in uu daacad ka noqdo wadahadallada nabadda si colaadda sokeeye ee dalkaasi loo soo afjaro.

maraykanka

Waxa uu intaasi ku daray in ay ku heshiiyeen in bisha August ee sanadkan la dhiso qaab dhismeed lagu gaarayo kala guur siyaasadeed oo dalkaasi ka dhaca balse ma uusan caddeyn in madaxweyne Putin uu aqbalay in madaxweyne Asad uu xilka ka dego, arrintaasina ay qab ka noqoto kala guurka siyaasadeed.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa aad ugu baahan in ay ka faa’iideystaan xabbad joojinta socotay muddada bisha ah, taasi oo yareysay colaaddii ka socotay Suuriya, waxa ayna doonayaan in dowladda dalkaasi iyo mucaaradka ay si toos ah u wada hadlaan sida ugu dhakhsaha badan.

Dhanka kale, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura ayaa sheegaya in mowqif ahaan ay mideysan yihiin mucaaradka iyo dowladda dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in wareegan wadahadalka nabadda aysan jirin cid ka baxday ama caqabad hakad gelisay wadahadalada.

Wadahadaladaasi oo hadda la hakiyay ayaa waxa ay dib u billaan doonaan bisha Abriil, xilligaasi oo laga wada xaajoon doono arrimo xasaasi ah, sida kala guur siyaasadeed oo dalkaasi ka dhaca. Balse labada dhinac ayaa ku kala qaybsan waxa uu noqonaya mustaqbalka madaxweyne Asad.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories