HomeMaraykanku Waxa Uu Dhegeystay Talefanada Raysalwasaraha Yuhuuda

Maraykanku Waxa Uu Dhegeystay Talefanada Raysalwasaraha Yuhuuda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Wargeyska Caanka ah ee Wall Street Journal oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa fashiliyey in dowladda Maraykanku ay si sir ah u dhegeysato talefannada raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, taas oo burinaysa go’aan uu hore u soo saaray madaxweyne Barack Obama oo dhigayey in sirdoonka Maraykanku joojiyo dhegeysiga hoggaamiyeyaasha dowladaha saaxiibka la’ ah Maraykanka.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu wargeysku ku sheegay in sirdoonka Maraykanku uu bilaabay dhegeysiga xidhiidho talefoon oo dhex maray Netanyahu iyo gacanyaraashiisa, kadib markii Netanyahu uu dhowaan go’aansaday in uu ol’ole adag oo xitaa Maraykanka gudihiisa ah ku qaado heshiiskii Nukliyeer Iiraan ee Maraykanku gadhwadeenka ka ahaa. Kalsooni darro badan iyo kala shaki ayaana soo dhex galay raysalwasaaraha Yuhuudda iyo Guriga Cad, waxa aanu xaalku cirka isku sii shareeray markii Netanyahu uu isku dayey in uu Kongareeska Maraykanka ku qanciyo in heshiiskaas la joojiyo.

Wargeyska Wall Street waxa uu sheegay in wakaaladda Amniga qaranka ee Maraykanku NSA ay si toos ah ugu badheedhay basaasidda hoggaamiyeyaasha iyo masuuliyiinta kale ee Israa’iil, kuna guulaysatay in ay dhegeysato sheekooyin qarsoodi ahaa oo dhex maray masuuliyiintan iyo xildhibaanno ka tirsan golaha Kongareeska Maraykanka iyo sidoo kale kooxaha u ol’oleeya Yuhuudda ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo horjeeday dadaalka Obama ku doonayey in la dhamaystiro heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan.

Masuuliyiinta Guriga Cad ee Maraykanka ayaa xilligaas aaminsanaa in sirta lagu helo dhegeysiga talefannada Netanyahu ay wax ka tari karto ka hortagga iyo fashilinta ol’olaha uu Netanyahu ku hor istaagayey heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan.

Arrimaha sirta ah ee uu Maraykanku ku ogaaday dhegeysiga talefannada Netanyahu iyo la-taliyeyaashiisa waxa kale oo ka mid ahaa, in Israa’iil ay si qarsoodi ah u sii deyn jirtay xogta qarsoon iyo macluumaadka muhiimka ah ee la xidhiidha wada hadalladii u dhexeeyey Iiraan iyo quwadaha lixda ah ka hor intii aan heshiiskaas la gaadhin.

Intii wada hadalladaasi socdeen waxaa marar badan soo baxay warar sir ah oo la xidhiidhay wada hadallada oo albaabadu u xidhnaayeen, taas oo dhowr jeer shaki ku dhex tuurtay dhinacyadii wada hadlayey, laakiin hadda waxaa caddaatay in sirdoonka Yuhuuddu uu basaasi jiray, dhegeysanna jiray wada hadalladaas Hubka Nukliyeerka kadibna si qarsoodi ah dibadda loogu soo saari jiray xogtaas si loo fashiliyo wada-hadallada.

Waxaa xusid mudan in bishii Koowaad ee 2014kii uu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama soo saaray amar sirdoonka Maraykanka u diidaya in la dhegeysto talefannada madaxda dowladaha Maraykanka la saaxiibka ah, kadib markii uu basaaskii hore ee CIA Edwardo Snowden sannadkii 2013ka fashiliyey basaasidda uu Maraykanku ku dhegeysto talefannada madaxda dunida, taasina ay khalkhal gelisay xidhiidhka uu Maraykanku la’ lahaa dalal badan oo waaweyn sida Faransiiska iyo Jarmalka

In kasta oo liis xilligaas Maraykanku hoos u sameeyey oo ay ku yaalleen dowladaha sirdoonka loo diiday in uu madaxdooda dhegeysto ay ka mid ahaayeen hoggaamiyeyaasha dalalka ku wada jira Gaashaan-buurta NATO haddana liiskaa waxaa laga reebay Madaxweynaha dalka Turkiga oo Maraykanka xulafo la’ ah, xubin muhiim ahna ka ah NATO, laakiin haddana sirdoonka Maraykanka aan loo diidin in ay dhegeystaan. Waxaa iyaduna xiise gaar ah leh in Maraykanku uu dhegeysto madaxda Israa’iil oo uu la yahay xulafada koowaad dunida.

Xigasho Geeska Afrika
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories