HomeMARAYKANKA: Xeer-beegti Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Masuul hore uga...

MARAYKANKA: Xeer-beegti Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Masuul hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Mas’uul hore uga tirsanaa Xukuumaddii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo soo magacaabo ka dib Guushii doorashada ee Xisbiga Kulmiye, kaas oo Maxkamad ku taala dalka Maraykanka in muddo ah ay uga socotay dacwad la xidhiidha inuu qayb-ka-qaatay fal-dambiyeed budhcad-badeednimo ah, ayaa kiiskiisu jaah-wareer ka abuuray garsooreyaasha kiiskiisa gacanta ku haya iyo xeer-ilaalinta ku oogtay kiiska loo haysto.

Sida ay faafisay wakaaladda Wararka ee AP, Xeer-ilaaliyeyaasha Maraykanka ayaa la sheegay inay u maaro-waayeen eedo iyo ka qeybqaadasho fal-dambiyeed la xidhiidha budhcad-badeednimo loo haysto nin Soomaali ah oo turjubaan u noqday Koox bad-jiif ah iyo Markab ganacsi oo laga lahaa dalka Denmark, kaas oo sannadkii 2008-dii lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.

Cali Maxamed CaliNinkan kiiskan loo haysto oo ahaan jiray Agaasimihii Guud ee u horreeyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, laguna magaacaabo Cali Maxamed Cali (Cali-Caliyow), wakhtiganna ku xidhan dalka Maraykanka, ayaa bishii hore xeer-beegti ka arriminaysay laba eedood oo loo haysto ay ku guul-darraysteen inay go’aan ka gaadhaan, taasoo ka dhigan in lagu waayey eedaha halista ah ee budhcad-badeednimo, balse Wasaarada Cadaaladda ee dalkaasi, ayaa la sheegay inay dalbanayso in maxkamad dib loogu saaro eedaha xeer-beegtidu ay go’aanka gaadhi kari waayeen.

Garyaqaan u doodaya eedaysanahan oo lagu magacaabo Matthew J. Peed, ayaa diiday in mar labaad maxkamad la saaro,isagoo ku dooday haddii eedaha la soo oogayo ay caddeymahii hore ku qotomaan, in mar labaad lagu gafayo eedaysanaha, isagoo diidmadiisan u daliishaday kiis noocan oo kale oo Maxkamada sare ee Maraykanka hore go’aan uga soo saartay.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Degmada Columbia ee Caasimadda Maraykanku ka tirsan tahay, ayaa maalintii Sabtida ee dorraad shaaca ka qaaday inay dib u darseen eedaha loo haysto Cali, isla markaana go’aansadeen inay ka hadhaan ku soo oogidda eedo dambe.

“Waxaan ku taagan nahay go’aankii ugu horeeyey inaan keeno cadeymaha eedaha loo haysto Cali oo cadeymahiisi wata, balse maadama nidaamkeenu adeegsado xeer-beegti ilaa ay ku qancaan eedaha aan waxba loo raaci Karin,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer-ilaalinta degmada Columbia oo ay baahisay wakaaladda Wararka ee AP.

Kiiska loo haysto eedaysanahan oo in muddo lagu qaadayey maxkamadaha degmada Columbia, ayaa ubucdiisu ahayd sidii lagu kala ogaan lahaa inuu eedaysanuhu ahaa turjubaan ku shaqeynayey codsiga budhcad-badeedka iyo inuu la shaqaysanayey budhcad-badeedka.

Cali Maxamed Cali (Cali-Caliyow) ayaa ka hor inta aanu Agaasime Guud ka noqon Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxa la sheegay inuu fuulay markab budhcad badeed afduubteen sannadkii 2008, kaas oo lagu sii daayey madaxfurasho gaadhaysay $1.7 milyan, isaga oo wakhtigaas la sheegay inuu turjubaan ahaan iskugu xidhayey kooxda Budhcad-badeedka ah iyo Cidda Markabka iska lahayd.

Masuulkan ayaa isaga oo xilka wasaaradda Waxbarashada haya dhowr jeer looga yeedhay Laanta Dambi-baadhista Ciidamada Booliska, iyada oo wax laga weydiinayey tuhunno la xidhiidho xogo loo soo gudbiyey ciidamada Amniga ee Somaliland.

XUQUUQDA WARKA: Wargeyska HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories