HomeMaraykanka oo Somaliland ka Caawinaya Doorashooyin Mudeysan iyo Saamayn kaga timaadda Qaxoontiga...

Maraykanka oo Somaliland ka Caawinaya Doorashooyin Mudeysan iyo Saamayn kaga timaadda Qaxoontiga Yemen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Maraykanka, ayaa ballan-qaadday inay Xukuumadda Somaliland ka caawinayso saamayn dhinaca Ammaanka ah oo kaga timaadda Qaxoontiga Yemeniyiinta ah iyo kuwa Soomaalida ah ee ka soo yaacaya Qalalaasaha ka taagan dalkaas iyo sidoo kale sidii ay waddanka Somaliland uga dhigi lahayd Doorasho mudeysan oo ku qabsoonta nidaam Xor iyo xalaal ah.

DSC_0059Safiir ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee Qaabilsan Arrimaha Soomaalida Mr. Brain H. Phipps oo shalay socdaal ku yimi dalka, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku qaabbilay Qasriga madaxtooyada, waxaanay ka wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka, xidhiidhka labada waddan ee dhinacyada Horumarinta iyo Xoojinta Ammaanka, sida ay sheegeen

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiir ku-xigeenka Maraykanka oo markii uu dhammaaday kulankaas oo Albaabadu u xidhnaayeen si wada-jir ah saxaafadda ugu warramay.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in laga wada-hadlay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo dhinacyada ay khusaysaa isla oggol yihiin iyo sidii labada waddan wada-shaqayn uga yeelan lahaayeen xoojinta ammaanka mandaqadda.

DSC_0085“Weftiga Maraykan ah oo ka socda Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo halkan madaxweynaha shir kula qaatay, masuuliyiinta kala duwan ee dowladdana la qaatay kulamo kala duwan, waxa uu ku dhammaaday si qurux badan oo laysla fahmay, waxa laga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka sidii si qiimo leh loogu qaban lahaa ee laysku fahmi lahaa. Sidoo kale, waxa laga wada-hadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa xagga ammaanka maadaama oo ay soo kordheen arrimaha Yemen iyo culayska inna saaran,” Sidaas ayuu sheegay wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Safiir ku-xigeenka Maraykanka Soomaaliya Mr. Brain H. Phipps oo isaguna ka hadlayey ujeeddada socdaalkiisa oo ah markii u horeysay ee uu ku yimaaddo Somaliland iyo natiijada kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, waxa uu yidhi, “Waxaan ahay ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliiya, waxaana iga horeeyey oo dhowr bilood ka hor Hargeysa soo booqday Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, isagaana igu dhiirri-geliyo inaan anigu imaaddo, aad baanan ugu faraxsanahay inaan yimaaddo halkan (Hargeysa) waa magaalo Cajiib ah oo si fiican laygu soo dhaweeyey, Dowladda iyo Shacabka Somaliland-ba way isoo dhaweeyeen.”

DSC_0050Safiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaa raaciyey oo yidhi, “Waxaanu nahay saaxiibbo dhow oo xagga horumarka ka wada-shaqaynayey Somaliland in ka badan labaatan sanno, taasina way sii socon doontaa. Danaha aanu ka leenahay Guusha iyo Horumarka dhaqaalaha gobolka oo dhami waxay muhiim aad weyn u leedahay shacabka Maraykanka, sida Ammaanka, gaar ahaan Dagaalka xilligan ka socda Yemen, waxa bilaabmay inay dad Qaxoonti ahi ka soo laabtaan ama ka yimaaddaan Yemen, waxaanay Somaliland u tahay wakhti adag oo u baahan in laga taageero, anaguna waanu garab taagan yahay Somaliland hadday tahay Qaxoontiga, hadday tahay xasiloonida iyo Ammaanka gobolka oo dhan. Aad baananu ugu faraxsannahay inaanu aragno iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Deriskeeda oo sii socda iyo in la xoojiyo ammaanka gobolka.”

Danire Philips waxa uu kaga dhawaajiyey qodobbo ku saabsan arrimaha Siyaasadda Gudaha Somaliland oo madaxweynaha ay ka wada-hadleen, waxaanu yidhi, “Sidoo kale, waxaanu ka hadalnay Siyaasadda iyo Doorashooyinka, annaguna waxaanu si xooggan u taageersannahay rabitaanka Somaliland inay qabsato Doorasho muddeysan, Suurto-gal ah oo Xoor iyo Xalaal ah.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories