HomeMaraykanka Oo Sheegay Inuu Tabobaro Siiyo Jabhada Suuriya

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Tabobaro Siiyo Jabhada Suuriya

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

US(SLpost)-Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Maraykanka ee jooga bariga dhexe Jenaraal Lloyd Austin ayaa senetka ka hor qirtay in 4 ilaa 5 falaago suuriyaan ah oo maraykanku tababaray ay weli dagaallamayaan.

Sharci dejiyeyaal cadhaysan ayaa ku gacan saydhay oo ku tilmaamay guul darro isku dayga askarta maraykanka ay ku doonayaan inay fallaago ku kiciyaan mintidiinta dawladda islaamiga ee Suuriya.

Kongareeska mareykanka ayaa ansixiyay 500 oo milyan oo doolar oo lagu tababarayo fallaagada Suuriya si ay ula dagaalaan kooxda Khilaafada Islaamka.

Balse 54-kii askari ee ugu horreysay ee ka qalin jebiyay tababarkaasi ayaa bishii July isla markii ay dagaalka galeenba waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Qaacidda. Qaar ayaa nolasha lagu qabtay oo markii dambe la laayay qaarna waa ay firxadeen.

Xildhibaanada ayaa fajacay markii Jeneraal Austin uu u sheegay in afar ama shan askari oo kaliya oo ka tirsan askartii fallaagada ee mareykanka tababaray in ay haatan dagaalka wali ku jiraan, waxa uuna janaraalka sheegay in aysan jirin qaab looga mira dhalin karo in sanad kastaa la tababaro ku dhawaad 5 kun oo ka tirsan fallaagada.

Arrintani ayaa ah eedeyn weyn oo ka dhan ah istaraatijiyadda madaxweyne Obama ee uu ku doonayo in uu kaga adkaado khooxda khilaafada islaamka iyada oo furunta hore ee dagaalka aan la gaynayn ciidamada mareykanka.

Ruushka ayaa ciidamo badan iyo qalab milatari u dirayay dalka Suuriya, tallaabadaasi oo uu ku sheegay in uu dowladda dalkaasi uga taageerayo dagaalka ka dhanka ah kooxda khilaafada islaamka.

Balse arrintani ayaa walaaca ku haysa saraakiisha mareykanka oo ka cabsi qaba in lagu xoojinayo xukunka Bashaar Al-Asad, xilli la wiiqay awoodda ciidamadiisa oo la kulmayay guul darooyin is daba jog ah.Ruushka waxa uu soo jeediyay wadahal toos ah oo dhex mara milatariga mareykanka iyo kan Ruushka iyo sidoo kale kulammo laga qaato arrintani.Maamulka madaxweyne Obama ayaa ka fiirsanaya hindisahaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories