HomeMaraykanka oo Saldhig Milatari ka samaysanaya Somaliland

Maraykanka oo Saldhig Milatari ka samaysanaya Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in ay danaynayso in dawlada Maraykanka Saldhig Milatari ka siiso Magaalo xeebeedka Berbera si ay u isticmaalan dekada iyo Garoonka diyaaradaha oo ka mid ah kuwa ugu balaadhan dalalka bariga afrika.

Warbixin lagu daabacay Jariiradda Wall Streat Journal oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka dharagsan Walaaca dawladda Maraykanku ka qabto Isbalaadhinta Shiinaha ee mandaqadda Geeska Afrika uga faa’idaysan doono socdaal la filayo inuu dhawaan ku tago dalka Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliand, ayaa dhawaan sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu bisha March ee sannadkan safar shaqo ugu bixi doono dalka Maraykanka isla markaana uu kulamo kala duwan la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Keyd ayaa markii u horeysay si daah-furan u sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Saldhig Milatari siiso dalka Maraykan

“Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah  u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo inuu ilaaliyo ammaanka marin-biyoodka,” sidaa waxa Wargeyska Wall Street Journal u sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Essa Kayd, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Mareykanku waa inuu qaado tallaabo degdeg ah oo la xidhiidha sidii uu Milatarigiisu u isticmaali lahaa Madaarka iyo dekeda Berbera”

Wargeyska Wall Street waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in dawlada Maraykanku wakhti badan Xoog iyo xoolaba ku bixinaysay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan cagihiisa ku taagan, hasayeeshee  uu xilligan niyad jab xoogan ka qaaday dib udhaca arimaha doorashooyinka, Muranka iyo isqabqabsiga Madaxda ugu sareysa dalkaas iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Itoobiya Iyo Suudaan oo keentay in dawlada Maraykanku xilligan dabacsaan xoogan  u muujiso Somaliland oo warbixintu ku tilmaantay meel nabdoon oo ka nabad gashay qulqulatooyinka ka jira dalalka deriska la ah. kana hirgaleen doorashooyin dimuqraadiyada

.Xildhibaan Jim Risch oo ka mid ah Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Maraykanka, kana mid ah Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ayaa wargeyska Wall Streat u sheegay in colaadaha iyo xasilooni darada ka jirta Geeska Afrika  uu muhiim ka dhigayo in Maraykanku la shaqeeyo Somaliland  waxaanu yidhi, “Xasilooni la’aanta sii socota ee Geeska Afrika iyo korodhka tartanka caalamiga ah ee loogu jiro kheyraadka dabiicigia ayaa ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in aan la shaqeyno saaxiibada isku fikirka ah ee gobolka, sida Somaliland oo ay ka go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo Horumarku,” ayuu yidhi

Warbixinta Wargeyska Wall Street Journal oo aad u dheer, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay30kii sano ee u dambeeyey ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay dunida uga heli lahayd aqoonsi caalami ah, balse xilligan ay jiraan dedaallo dublomasiyeed oo madaxda Somaliland ka sameeyeen xidhiidhada arrimaha dibadda, isal markaana ay muuqato inay wax weyn iska beddeleen Dhaqdhaqaaqyada Aqoonsi-raadinta Somaliland oo xildhibaannada Barlamaanka UK dood saamayn badan ku yeelatay dunida ka yeesheen Qadiyada Aqoonsiga Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories