HomeMaraykanka oo Qorshaynaya inuu Shirkadihiisa gaarka loo leeyahay u oggolaado Maalgeshi ay...

Maraykanka oo Qorshaynaya inuu Shirkadihiisa gaarka loo leeyahay u oggolaado Maalgeshi ay ku sameeyaan Kuuriyada Woqooyi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Dalka Maraykanka ayaa laga yaabaa in uu shirkadaha gaarka loo leeyahay u ogolaado in ay maalgashadaan Kuuriyada Waqooyi, sida uu Axaddii shalay sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo.

Waraysi uu siiyay telefeshinka Fox News, ayuu arrintaas sharaxaad kaga sii bixiyay wuxuuna sheegay in ay ku xidhnaan doonto in dalkaasi uu ka tanaasulo gabi ahaanba barnaamijkiisa nukliyeerka.

maraykan_kuuriyaWaxa uu sheegay in maalgashedeyaashu laga yaabo in ay gacan ka siiyaan dhismaha waaxda tamarta.

Arrintan ayaa timid ka dib markii uu booqsho ku tagay Pyongyang toddobaadkii hore, ka hor kulanka madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ee ka dhici doona Singapore.

Maraykanka ayaa Jamcihii ku dhawaaqay in uu Kuuriyada Waqooyi ka caawin doono dhismaha dhaqaalahooda, laakiin Pompeo ayaa hadda faahfaahin ka bixiyay qorshahaas.

Meelaha uu carrabka ku dhuftay ee uu sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay maalgashi ku samayn karaanna waxaa ka mid ah dhanka korontada isaga oo sheegay in baahi koronto oo wayn ay jirto.

Waxaa kale oo uu tilmaamay maalgashi dhanka beeraha ah, si buu yidhi dadka Kuuriyada Woqooyi “ay ugu suuragasho in ay hilib cunaan, nolol caafimaad lehna ugu noolaadaan”.

Pompeo ayaa sidoo kale Chris Wallace oo waraysanayay u sheegay in Kim uu sidoo kale niyad u hayo warbaahinta reer Galbeedka.

Markii Pompeo uu booqasho layaableh ku tagay Kuuriyada Waqooyi, Pyongyang ayaa ciwaannada caalamka qabsatay ka dib markii ay sii daysay saddex muwaadin oo Maraykan ah.

Mike Pompeo oo horray u soo noqday hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa dublamaasiyadda Maraykanka la wareegay ka dib markii bishii Maarso la eryay Rex Tillerson.

Trump iyo Kim ayaa lagu wadaa in ay markii koobaad waji ka waji isu horfadhiistaan 12-ka bisha June ee sannadkan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories