HomeMaraykanka Oo Muujiyay Walaaciisa Booqashada Madaxweynaha Suudan Ee Shiinaha

Maraykanka Oo Muujiyay Walaaciisa Booqashada Madaxweynaha Suudan Ee Shiinaha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay booqashada la filayo in madaxweynaha Sudan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xidhayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xidhiidhta dambiyo dagaal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu u safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo dhigiisa Xi Jinping, waxaana uu ka qeyb galayaa maalinta  bari ah 3-da September dabaal dega markii laga guuleystay Japan dagaalkii labaad ee Adduunka.

omar-al-bashir

Al-Bashiir ayaa tagay Shiinaha sanadkii 2011, iyadoo dowladda Shiinaha ay danaynayso saliida ay soo saarto Sudan, loona dhoofiyo dalkaas.Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka Mark Toner oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan la soo dhoweyn safaradiisa illaa uu cadaaladda ka wajahayo.

“Sida aad ogtihiin waxaa soo eedeysay Maxkamadda ICC, wuxuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq”ayuu yidhi Mark Toner.

“Ruqsada lagu soo xidhayo wali way taagan tahay, anagana waxaa si xoogan u taageereynaa dadaalka Maxkamadda ICC ee lagula xisaabtamayo dhammaan kuwa ka mas’uulka ah ficiladaas, waxaa ka soo horjeednaa fududeynta ama taageerida safarka dadka dambiyada ka yaala Maxkamadda ICC’ ayuu yidhi Mark Toner.

Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ayaa Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ku soo oogtay dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sanadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay Gobolka Darfur.

Al-Bashiir ayaa tan iyo markii loo jaray ruqsada lagu soo xidhayo waxaa uu u safray dalal badan oo kuwa deriska la ah ka mid ah, iyadoo ay yareyd safarada uu ku tagayay wadamada fog, waxaana bishii June ay aheyd markii uu tagay dalka Koofur Afrika oo xubin ka ah Maxkamadda ICC, iyadoo go’aan Maxkamad ku taal dalkaas gaadhay oo ahaa in aanu dalka ka bixi karin uu noqday mid aan lagu guuleysan, kadib markii Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad uga soo ambabaxay Koofur Afrika oo uu uga qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories