HomeMaraykanka oo markii u horreysay Meel Isugu keenaya Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika oo...

Maraykanka oo markii u horreysay Meel Isugu keenaya Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika oo uu Dalkii Ku marti-qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

obama-tour-2013-300x168Washington (SLpost)- Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan dabayaaqadiisa magaalada Washington ee caasimadda u ah waddankaasi marti galin doonto madaxda Qaaradda Afrika.

Qoraal rasmi ah oo uu baahiyey Afhayeenka aqalka cad ee looga arimiyo wadanka Maraykanka Jay Carney  ayaa lagu yidhi, “Aqalka cad wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo in wadanka Maraykanka caasimadiisa Washintong DC marti gallin doonto kulan Maraykanka iyo Madaxweynayaasha Afrika dhex mari doona, kaas oo socon doona bisha August 5 iyo 6, 2014.

Madaxweyne Obama wuxuu u diyaar yahay inuu ku qaabilo Madaxweynayaasha wadamada Qaarada Afrika ee Isugu Iman Doona Caasimada qaranka, si loo xoojiyo xidhiidhka aynu la wadaagno wadamada ugu horeeya aduunka ee dhaqaalohoodu sida xawliga ah u kobcayo.’ Ayaa lagu yidhi war murtiyeedka aqalka cad.”

Obama ayaa u soo diri doona martiqaadka madaxweynayaasha 47 wadan oo Africa ah , kuwaas oo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo wadanka Maraykanka , isla markaana aan wax xanibaad ahi ka saarnayn dhinaca Midowga Afrika – xulashadaasina waxay meesha ka saaraysaa oo aan kursi ka helli doonin madaxda wadamada Masar, Zimbabwe iyo Sudan.

Masar ayaa ka reebisteeda lagu sababeeyey awoodda ay maroorsadeen ciidamada Milatarigu, waxaana la sheegay in xanibaadda ka timi dhankaururka Midowga Africa.

Xogaha laga helayo aqalka Cad ee shirkan ku saabsan, ayaa tibaaxaya in maqnaanshaha madaxweynaha Sudan salka ku hayso dacwadda ay ku soo oogtay maxkamada Dambiyada dagaalka ee caalamku ( ICC ).

Maadaama dacwadii la xidhiidhay gabood  faladii ka dhacay 2007 doorashooyinkii Kenya, ee  ay ku naf waayeen kumaankumka qof, oo ay ku soo oogtay maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalku  dib loo dhigay , Madaxweyne Uhur Kenyata , wuxuu isagu si rasmi ah ugu jiraa madaxda ka qayb gallaysa kulankaas.

Kulankan ayaa la rajaynayaa inuu waddada u xaadhi doono horumar laga sameeyo xidhiidhka waddamada Afrika iyo Maraykan ee dhinacyada Maalgashiga iyo Baayac mushtariga., sidoo kalena lagu lafo guro , hanaqaadka arimaha Dimuqraadiyada iyo horumarinta dal iyo dadba..

Wadanka Maraynkanku wuxuu ku doodayaa inaan Kulankan lagu faaqidi doonin wax isaga dani ugu jirto, ee diiradda lagu saari doono sidii wax loola qaban lahaa wadamada Afrika ee horumarka Hiigsanaya.

Badhtamaha sanadkii 2013, oo Madaxweynaha Maraykanku booqasho ku gaalaa bixiyay wadamada Senegal, Koonfur Afrika iyo Tanzaniya, waxa uu ku sheegay hadal uu ka jeediyey dalka Masar in wadamadani horumar la taaban karo ka sameeyeen hanaanka Dimuqraadiyadaynta.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories