HomeMaraykanka oo markii u horeysay Luuqad Qallafsan kula hadlay Ruushka iyo xaaladda...

Maraykanka oo markii u horeysay Luuqad Qallafsan kula hadlay Ruushka iyo xaaladda oo faraha ka sii baxaysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

US_RUSSIA_UKRAINEWASHINGTON (SLpost)- Dawladda Maraykanka, ayaa hanjabaad daan-daansi u muuqata u jeediyey dawladd Ruusha oo ay uga digtay inay qalalaasaha bani’aadamnimo ee ka taagan dalka Ukraine marmarsiinyo uga dhigtaan duullaan milatari oo ay ku qaadaan, tallaabadaas oo Maraykanku ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Digniinta Maraykanka, ayaa ku soo beegantay ka dib markii dawladda Ruushku ay qaban-qaabisay kolonyo gaadiid mucaawimooyin u sida shacabka ku dhaqan Bariga dalka Ukraine ee ka qaxaya dagaallada u dhexeeya Malleeshiyaadka gobonimo-doonka ah iyo Ciidamada dawladda Ukraine oo wakhtigan kaabiga u saaran inay la wareegaan magaalada Donetsk oo malleeshiyaadku ka taliyaan.

Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Samantha Power, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegtay Jimcihii in hay’adaha caalamiga ah ee gar-gaarku ay ku sugan yihiin bariga dalka Ukraine isla markaana ay caawimo u fidinayaan dadka shacabka ah ee ku dhex-xanniban malleeshiyaadka taageerada ka hela Ruusha iyo Ciidamada Ukraine.

“Tallaabo kasta oo Ruushku farogelin ku sameeyo dhulka Ukraine, oo ay ku jiraan hay’adahooda gaargaarka bixinaya, ma noqon doonto mid la aqbali karo, waxaananu si qoto dheer u shaacinaynaa, una arki doonnaa inay tahay duullaan lagu qaaday Ukraine,” sidaa waxa tidhi ergayga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Moscow, ayaa la sheegay inay qorsheysay kolonyada gaadiidka mucaawimooyinka sida inay ka tallaabaan Xuduudka Ukraine iyaga oo isticmaalaya magaca Guddiga caalamiga ah ee Lan-qeyrta Cas, haseyeeshee waxa shaki laga muujiyey doorka ay ICRC-du ku yeelan doonto gudbinta mucaawimooyinka.

Ciidamada Ukraine ayaa kaabiga u saaran magaalada Donetsk oo xarun u ah Bariga dalka Ukraine halkaas oo ay ka taliyaan malleeshiyaad taageero milatari iyo mid dhaqaale ahba ka hela dawladda Ruushka, waxaana magaaladaas ku xanniban boqolaal dad ah oo ciidamada labada dhinac isku dul haystaan, halka qaar kale ay labadii maalmood ee u dambeeyey ka qaxayeen, taas oo sababtay in qaylo dhaan caalami ah laga jeediyo gar-gaar deg-deg ah oo shacabku u baahan yihiin.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay kor-u-qaadista taageerada dedaallada dhinaca gar-gaarka ee dawladda Ukraine, sida uu war-murtiyeed ku sheegay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

“Haddii ay xaaladda bani’aadamnimo ka sii darto sida ay immika tahay, ama haddii dedaallada heer qaran ee xaaladda lagaga jawaabayo ku filnaan waydo inay daboosho baahida bani’aadamnimo, Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay taageero kasta oo lagu xoojinayo baahida jirta,” ayuu xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ku sheegay war-murtiyeedka uu soo saaray. Isaga oo intaas ku daray, “Marxaladda immika, xaaladda waxa gacanta ku haysa dawladda Ukraine oo kaashanaysa saaxiibbadooda caalamka.”

Dagaallada ka socda Bariga dalka Ukraine oo haatan socday muddo Afar bilood ah, waxa ku dhintay 1,300 qof, waxaana ku baro-kacay dad tiradooda lagu qiyaasay 285,000 oo qof. Sidoo kale dagaaladani waxa ay cirka ku sii shareereen xidhiidhadii ka dhexeeyey waddamada reer galbeedka iyo Ruushka oo halkii ugu hooseysay maraya tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii qaboobaa ee sahayday Midowgii Soofiyeeti.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories