HomeMaraykanka oo Mar kale Ciidamo Dheeraad ah u diraya Waddanka Ciraaq

Maraykanka oo Mar kale Ciidamo Dheeraad ah u diraya Waddanka Ciraaq

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barrack Obama, ayaa shaaca ka qaaday inuu mar kale ciidamo u dirayo Dalka Ciraaq oo xaalado ammaan-darro iyo qul-qulatooyin ka dillaaceen dhowrkii todobaad u dambeeyey.

CIIDAMO MARAYKAN AHQorshaha Dawladda Maraykanku Ciidamadu ugu dirayso dalka Ciraaq, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Woqooyiga dalkaas intiisa badan gacanta u galay xoogag Islaamiyiin ah oo lagu magacaabo ISIL (Ismamic State of Iraq and Levate), kuwaas oo wakhtigan gacanta ku haya deegaamo ku yaala duleedka magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Dawladda Maraykanku waxa ay dalka Ciraaq u diraysaa 275 ka mid ah Milatarigooda si ay u ilaaliyaan Safaaradda Maraykanka ee Baq iyo Danaha kale ee uu ku leeyahay, halka sidoo kale ay ka fiirsanayaan inay u diraan Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran si ay ula dagaalamaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee awooddoodu ku fidayso dalka Ciraaq, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Pentagon ee gaashaan-dhigga Maraykanka. Haseyeeshee, Aqalka Cad, ayaa hore ugu adkeystay inaanu Maraykanku ciidamadiisu u dirayn, kana hor-tagayaan dagaal hor leh oo dalkoodu galo.

Madaxweyne Barack Obama oo warbixin u jeedinayey Aqalka Odayaasha ee Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamadaas loogu talo-galay ilaalinta Safaaraddooda Baqdaad isla markaana ay dalkaas sii joogi doonaan ilaa inta la dejinayo xaaladaha ammaan-darro ee jira.

Dalka Ciraaq, waxa xilligan ku sugan 160 Askari oo Maraykan, qaar ka mid ah ciidamada Cusub ee lagu celinayo dalkaasi waxa ay ka mid ahaayeen cutubyo dhowaan dib ugu noqday Maraykan.

Warar kale oo la xidhiidha Qorshaha uu Maraykanku doonayo inuu ku waajaho dagaal uu la galo Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Ciraaq, ayaa la sheegay inuu kala-tashanayo isla markaana talooyin iyo is-kaashi kala yeelanayo waddanka ay jaarka yihiin ee Iran oo cadaawad xooggani ka dhaxayso.

Sannadkii 2003-dii ayaa Milatariga dalka Maraykanku duullaan ku qaadeen waddanka Ciraaq, waxaanay halkaas ku burburiyeen nidaamkii dawladeed ee Madaxweyne Saddam Xuseen, waxaanay ciidamadiisa oo boqolaal kun gaadhayey badankooda dib looga celiyey sannadkii 2011-kii.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories