HomeMaraykanka Oo Mamnuucay Badeecado Uga Yimaadda 74 Dal Oo Ku Shaqaysta Carruurta,...

Maraykanka Oo Mamnuucay Badeecado Uga Yimaadda 74 Dal Oo Ku Shaqaysta Carruurta, Maxaabiista Iyo Addoonta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (Slpost)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa saxeexay sharci mamnuucaya in dalkiisa loo soo dhoofiyo wax-soo-saarka warshadaha ay ka shaqeeyaan dad la qasbay, addoon ama carruur. Tallaabadan oo lagu tilmaamay mawqif adag oo ay dowladda Maraykan ka taagan tahay shaqaalaha addoonta ah ama qasabka ku shaqeeya.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Wararka ABC News ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Arbacadii toddobaadkii ina dhaafay 24kii Feebarweri uu Obama saxeexay sharcigan xambaarsan liis dheer oo ah badeecado warshadaha soo saaraa ku shaqaystaan maxaabiist dembiyo xabsiyada ugu xidhan, shaqaale la qasbay, dad deyn lagu leeyahay shaqo loogu beddelay ama dad dal-ku-gal la siiyey awgii lagu qasbo in muddo cayiman ay shaqeeyaan iyo dad si toos ah loo addoonsado.

Marka uu sharcigani dhaqangal noqdo 15 maalmood gudahood waxaa si buuxda u joogsan doonta in dalka Maraykanka la soo geliyo 136 nooc oo ah badeecado kala duwan oo looga soo dhoofin jiray 74 waddan oo dunida ah, waxaana ka mid ah dharka laga keeno dalka Argentina oo warshadaha soo saaraa ay shaqaale u adeegsadaan carruur iyo dad addoon ah. Dahabka iyo Cudbiga laga keeno dalka Burkina Faso; Qalabka korontada, qalabka carruurtu ku ciyaarto iyo labanka guryaha lagu dhiso oo dalka Shiinuhu u dhoofiyo Maraykanka; Bunka oo laga keeno dalka Ivory Coast iyo Harqadda/waaraadka dharka laga tolo oo dalka Itoobiya u dhoofiyo Maraykanka. Badeecadahan oo dhammaantood ku jiray liis ay sannadkii 2014ka soo saartay wasaaradda Shaqada ee Maraykanka oo lagu diiwaangeliyey wax-soo-saarka loo adeegsado shaqaalaha carruurta ah ama la qasbo.

Waxa kale oo liiskaas ku jira dalal ay ka mid yihiin, Brazil oo hilibka, dhuxusha, samaynta kabbaha, marmarka, bariiska iyo alaabooyin kale u adeegsata shaqaale carruur ah ama dad addoon ah. Dalka Chad oo lo’ada addoon u adeegsada, Shiinaha oo badeecooyinka aynu kor ku soo xusnay ay u dheer tahay, dhuxusha, ubaxa sinaaciga ah, dharka, masaabiirta, qalabka carruurtu ku ciyaarto iyo badeecado kale. Masar oo addoon iyo carruur u adeegsata soo saarista cudbiga iyo dhagaxa guryaha lagu dhiso. Dalka Itoobiya oo dunta iyo waaraadka gacanta lagu tolo oo carruur iyo addoon lagu shaqaalaysiiyo ay u dheer tahay dahabka iyo lo’da oo carruurta loo adeegsado. Iyo dalka Kenya oo carruur u adeegsada wax-soo-saarka Bunka, Kalluunka, Qaadka Miirooga, Buuriga, Sonkorta iyo Bariiska

Sida ay haayadda shaqaalaha adduunku hore u sheegtay qiyaas ah boqolkiiba 30 carruurta dalka Bangladesh ayaa ah shaqaale. Wasaaradda Shaqaalaha Maraykankuna waxa ay aaminsan tahay in wax-soo-saarka ugu badan ee carruurta iyo addoonta loo adeegsadaa ay yihiin, cudbiga, Sonkorta, Buuriga, Bunka, Lo’da, Saanta, Alkoosha iyo Kalluunka. Warbixin ay soo saartayna waxa ay ku sheegtay in warshadaha iyo ganacsatada shaqaalaha qasabka ah iyo addoonta adeegsadaa ay sannad kasta helaan faa’iido sharci darro ah oo gaadhaysa illaa 150 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

XigashO geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories