HomeMaraykanka oo loogu Baaqay inuu Aqoonsiga Somaliland ku beddesho Bed-qabka Danihiisa Siysaadeed...

Maraykanka oo loogu Baaqay inuu Aqoonsiga Somaliland ku beddesho Bed-qabka Danihiisa Siysaadeed ee gobolka oo halis ku jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Macadka Heritage Foundation oo ka shaqeeya dhiirri-gelinta iyo Kobcinta Danaha Siyaasadeed ee Shacabka iyo Dalka Maraykanka, ayaa dowladdiisa ugu baaqay inuu Aqoonsado Somaliland, waxaanay soo bandhigeen faa’idooyin go’aankaasi u leeyahay bed-qabka danaha Maraykanka ee Gobolka.

Heritage Foundation oo cilmi-baadhis ku sameeya siyaasadaha togan ee ka tarjumaya danaha guud ee Dalka Maraykanka, ayaa 19-kii bishan October oo ku beegan Salaasadii shalay soo saaray warbixin 12 bog ka kooban oo diirradda lagu saaray muhiimadda Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland u leeyahay danaha Maraykanka ee Gobolka iyo sida aanay bani’aadamnimada ugu jirin in waddan nabdoon oo dimuqraaddi ahi u xusul-duubnaado guul-darrada Soomaaliya taalla.

blankMacadka Heritage oo fadhigiisu yahay magaalada Washington isla markaana ka mid ah hay’adaha aan dowliga ahayn ee saamaynta ku leh Jaan-goynta Danaha Siyaasadeed ee gudaha iyo Dibadda Maraykanka, waxa uu ugu baaqay dowladda Maraykanka inay Somaliland u aqoonsato waddan madax-bannaan si loo badbaadiyo meeqaamka hoos u sii dhacaya ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti oo la sheegay inuu u sii durkayo dhinaca dalka Shiinaha.

Warbixinta Heritage Foundation waxa lagu sheegay in Somaliland muddo 30 sanno ka badan ahayd dal Madax-bannaan oo dhaqan-galiyey shuruudaha dawladnimo ee waddan Dimuqraaddi ahi leeyahay ay xilligan mudan tahay in lagu abaalmariyo dedaalkeeda hirgelinta dimuqraadiyadda iyadoo la tixgelinayo rabitaanka shacabkeeda oo muddo rubuc qarni ka badan sugayey Aqoonsi Caalami ah.

Marka laga yimaaddo in Somaliland oo noqota waddan madax-bannaan faa’ido u leedahay bed-qabka Danaha Siyaasadeed ee Maraykanku ku leeyahay gobolka, waxa warbixin lagu sheegay in sidoo kale Aqoonsiga Somaliland uu sii xaqiijinayo taageerada Maraykanka ee dimuqraadiyadda.

Warbixinta oo warbaahinta Somalilandpost.net afka Soomaaliga ku soo tarjumtay, waxa lagu bilaabay, “Maraykanku waa inuu u aqoonsado Somaliland inay tahay waddan madax -bannaan. Marka xaqiiqda laga hadlayo, Xilligan kama mid aha, umana muuqato inay ka mid noqon doonaan Soomaaliya. Xaqiiqadaas jirta oo Washington garowshiinyo ka bixisaa waxay fursad u siinaysaa inuu siyaad wax-ku-ool ah ka hirgeliyo gobol muhiim ah oo hanashadiisa loolan loogu jiro.”

“Xidhiidh xooggan oo lala yeesho Somaliland madax-bannaan, waxay xayn-daab u noqonaysaa  hoos-udhaca ku yimi dmeeqaamka Maraykanku ku leeyahay Jabuuti  oo usii durkaysa dhinaca Shiinaha. Waxay muujin doontaa faa’idooyinka iyo Waxtarka Maraykanku siiyo dowladaha dimuqraaddiga ah ee shacabkoodu doortay, waxaanay Washington fursad u siin doontaa inay si wanaagsan u taageerto dimuqraadiyadda kobcaysa ee Somaliland,” sidaas ayaa lagu bilaabay Warbixinta oo uu Qoray Joshua Meservey oo ah khabiir ku xeel-dheer siyaasadda oo ka tirsan Macadka Heritage Foundation.

Waxa kale oo warbixinta shegay: “Somaliland oo madax -bannaan waxay noqonaysaa saaxiibbo nabdoon oo aan halis badan ugu jirin inay la kulmaan Qul-qulatooyin khalkhal gelinaya danaha Mareykanka ee gobolka. Dadka reer Somaliland waxay mudan yihiin caddaaladda ah in la aqoonsado madaxbannaanida ay tobanaanka sanno sugayeen, waana in loo oggolaadaa inay ka fogaadaan guul-darrooyinka Koonfurta Soomaaliya ee horumarkooda hortaagan,” sidaas ayaa lagu yidhi Warbixinta oo Warbixnta Somalilandpost.net u tarjumtay Afka Soomaaliga.

Warbixinta xambaarsan Baaqa Aqoonsiga Somaliland ee macadka Heritage Foundation u diray Dowladda Maraykanka oo aad u dheer, ayaa ka duulaysa saddex qodob oo midha-dal la taaban karo leh, kuwaas oo kala ah Bed-qabka Danaha Maraykanka oo loolan adag kaga socdo Dalka Shiinaha oo marka laga yimaaddo inuu yahay dalka Labaad ee ugu dhaqaale badan caalamka xilligan ku hawlan isballaadhin xagga Milatariga ah, Xaqiijinta taageerada Maraykanka ee Dimuqraadiyadda iyo in Somaliland lagu abaal-mariyo hirgelinta nidaam dowladnimo oo dimuqraadiyaddu udub-dhexaad u tahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories