HomeMaraykanka oo ka Qayliyey Hub Casri ah oo Russia ka iibinayso Waddanka...

Maraykanka oo ka Qayliyey Hub Casri ah oo Russia ka iibinayso Waddanka Iran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Dawladda Marayanka, ayaa si adag uga Qorshe Wasaaradda Difaaca ee Ruushku hub Casri ah kaga iibinayso Dalka Iiraan oo danaynaysa inay xoojiso awoodda Difaaca iyo Lidka Gantaalaha Casriga ah ee Reer-Galbeedka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegtay in xukuumadda Madaxweyne Obama ka soo horjeeddo Qorshe waddanka Ruushku kaga iibinayo dalka Iiraan Lidka Gantaalaha Balaastiga ah ee loo yaqaanno Antey-250 oo lagaga hortago isla markaana burburiya Gantaalaha riddada Dhexe iyo kuwa riddada-fog, kaas oo dalka Iiraan u saamaxaya inay isaga difaacdo weerarro kaga yimaadda Maraykanka iyo xulafadiisa.

Antey-2500
© Sputnik/ Sergey Mamontov

 

Sida ay tibaaxeen warar laga helay ilo-dibloomasiyadeed oo u dhuun-daloola xidhiidha u dhexeeya labada waddan, Qorshaha Ruushku dawladda Iiraan kaga iibinayo Hubka casriga ah, waxa wehelinaya in farsamada casriga ah ee Gantaalahan oo heerkoodu aad u sarreeyo cilmigiisa iyo aqoontiisa loo gudbiya khubarada wershadaha hubka ee Iiraan.

Afhayeenka u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo Jen Psaki, ayaa sheegay inay ka war-hayaan qorshaha Ruushku Gantaalaha difaaca kaga iibinayo Iiraan.

“Waanu aragnay wararka sheegaya arrintan, marka aanu xogo dheeraad ah ka helnana, sida ay tahay iyo wakhtiga ku habboon ayaanu soo bandhigi doonaa, “ sidaas ayuu yidhi Psaki oo war-fidiyeennada kula hadlay xarunta wasaaradda Khaarajiga Maraykanka ee magaalada Washington.

Xukuumadda Moscow ayaa hore loo sheegay inay ka noqotay heshiis sannadkii 2010-kii dhexmaray xukuumadda Tehran, kaas oo ay kaga iibinaysay hubka Gantaalaha S-300 oo loo adeegsado dagaalada Dhulka iyo Cirka-ba.

“Haddii wararka sheegaya in Russia ay go’aansatay inaanay ka iibin Iran gantaalaha S-300, xaqiiqdii taas waanu soo dhawaynaynaa, laakiin waxaanu u caddeynaynaa inaanu ka soo horjeesan doono haddii ay ka iibiyaan lidka Gantaala ee Antey-2500,” ayuu hadalkiisa raaciyey Psaki.

Madaxa Shirkadda haysata Qandaraaska Hubka iyo Farsamada ee wasaaradda Difaaca Ruushku u iib-geyso waddamada dibadda, Sergei Chemezov, oo Isniintii todobaadkan booqasho ku tagay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in dawladda Iiraan danaynaysa Heliska gantaalaha Difaaca ee Antey-2500.

Sarkaalkan oo madax ka ah Shirkadda Rostec, ayaa ku jira liiska shakhsiyaadka iyo Ganacsatada ay Saamaysay cuna-qabataynta Maraykanka ku soo rogtay waddanka Ruushka oo ah Quwadda labaad ee Milatari ahaan ugu awoodda Badan Adduunka marka laga yimaaddo dawladda Maraykanka.

Gantaalaha lidka Difaaca ee Antey-2500, ayaa awood u leh burburinta gantaalaha balaastiga ah ee riddada Dhexe iyo kuwa ridda gaaban, Gantaala Kuruuska loo yaqaano iyo kuwa laga rido diyaaradaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories