HomeMaraykanka Oo Ka Hadlay Muhiimadda Dekedda Berbera iyo Qorshaha Saldhigga Milatari

Maraykanka Oo Ka Hadlay Muhiimadda Dekedda Berbera iyo Qorshaha Saldhigga Milatari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey Soomaaliya, Danjie Stephen M. Schwartz, ayaa ka hadlay muhiimadda istaraatajiyeed ee magaalada Berbera u leedahay Dowladda Maraykanka iyo dalalka quwadaha adduunka ee danaynaya inay xidhiidh la sameeyaan Somaliland.

Danjire Stephen Schwartz oo waraysi dhinacyo badan xambaarsan siiyey warbaahinta Somalilandchronicle, waxa kale oo uu sheegay in bogcadda magaalada Berbera ku taallo u suurto-galinayso iyo isbeddelka horumarineed ee xilligan laga hirgeliyey u suurto-galinayso inay soo jiidato caalamka iyo waddamada danaynaya.

blankSafiirkii hore ee Maraykanka oo la weydiiyey Aragitidiisa ku aaddan qiimaha ay dowladda Maraykanka ugu fadhido Bogcadda istaraatarjiyadeed ee Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, waxa uu ku jawaabay: “Berbera waxay u muuqataa inay ku taallo goob muhiim ah oo leh kaabayaal-dhaqaale oo dhiirrigelinaya dal kasta oo raadinaya saldhig milatari oo ku yaal goob istaraatiiji ah oo adduunka ah. Sida la ogyahay, Berbera iyo dekeddeedu waxay hore saldhig Milatari oo waxtar leh u ahayd Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanka oo uga dambeeyey xilligii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, laakiin muhiimaddaas ay lahayd marna looma baahan, wax horumarin ahna laguma samayn imika ka hor.”

“Sidoo kale, sida ay Somaliland iyo Dekedda Berbera ugu yaallaan goob istiraatiiji ah oo loo baah una sii ahaan karaan, waxa uu qiimaha ay leeyihiin uu saamayn yeelan karaa marka ay jiraan goobo kale oo muhiim ah iyo sida hadba waxtarkooda looga faa’idaysan karo.” Sidaas ayuu yidhi Danjire Stephen.

Danjire Stephen Schwartz oo la weydiiyey wax uu ka ogyahay diyaarad milatari Maraykanku leeyahay oo la sheegay inay dhawaan fadhiisatay garoonka Diyaaradaha ee Berbera, ayaa sheegay inaanu waxba ka kala socon arrintaas, laakiin waxa uu xusay inay tallaabo wax-ku-ool ah u tahay Milatariga Maraykanka inay booqdaan oo qiimeeyaan goobaha ay u arkaan inay saldhig milatari u isticmaali karaan, waxaanu tallaabooyinka qiimaynta indho-indhaynta ah ku shegay inay mid noqon karaan hawl-gallo bani’aadamnimo oo lama filaan ah, diyaarado soo fadhiista garoonka, Maraakib milatari oo dekedda soo booqda iyo tallaabooyin kale oo Qiimayn ah.

Dibloomaasigan oo xilka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya hayey intii u dhaxaysay sannadkii 2016 ilaa 2017-dii, waxa kale oo uu waraysiga ka hadlay sida ay Somaliland uga faa’idaysan karto xidhiidhka dibloomasiyadeed ee ka dhexeeya Taiwan iyo go’aanka xukuumadda Somaliland ka qaadatay Qaxoontiga u dhashay Afghanistan oo inay muddo-kooban marti-galiyaan loo soo bandhigay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories