HomeMaraykanka oo Hawl-gal la mid ah Dagaalka uu Argagixisada kula jiro kaga...

Maraykanka oo Hawl-gal la mid ah Dagaalka uu Argagixisada kula jiro kaga hortagaya Faafista Cudurka Ebola

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
  • Qaramada Midoobay oo faafista Cudurka EBOLA ku tilmaamay Masiibo Caafimaad oo wax-ka-qabashadeedu ka awood-sarreyso heerka Aqoonta iyo Tiknoolajiyadda wakhtigan Casriga ah
  • MARAYKANKA OO 3,000 oo Milatarigiisa ka mid ah u daad-guraynaya Waddamada Galbeedka Afrika ee Cudurka EBOLA Faraha Baas ku hayo

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa ku tilmaamay cudurka Ebola ee ka dillaacay Galbeedka Qaaradda Afrika mid halis ku ah ammaanka Adduunka, waxaanu ku dhowaaqay hawl-gal Maraykanku kaga qayb-qaadanayo la dagaalanka cudurkan oo boqolaal qof ugu dhinteen qaaradda Afrika.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in adduunyadu wax-ka-qabashada halista cudurka Ebola ka sugayso Qaramada Midoobay, haseyeeshee waxa uu ku boorriyey in faafista cudurkani u baahan tahay iskaashi waddamada adduunku kaga hortagaan waxyeelladiisa.

obamaDoorka Maraykanku ka qaadanayo xakamaynta Cudurkan, waxa qayb ka ah 3,000 oo Milatariga Maraykanka ah oo laga hawl-galinayo waddamada Galbeedka Afrika, kuwaas oo ka saacidi doona xarumo Caafimaad oo ay ka dhisaan waddamada cudurkani halista ku hayo.

Tirada Dadka Galbeedka Afrika ugu dhintay Cudurka Ebola, ayaa gaadhaysa 2,461 qof sannadkan, taas oo kala-badh uun ka ah dadka uu xannuunkani ku dhacay, sida ay shaacisay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweyne Obama, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Saraakiisha Qaramada Midoobay faafista Cudurkan ku tilmaamay Masiibo Caafimaad oo wax-ka-qabashadeedu ka awood-sarreyso heerka Aqoonta iyo Tiknoolajiyadda wakhtigan Casriga ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay xaddiga lacagta loo baahan yahay in lagaga hawl-galo ka-hortagga cudurka in ku dhow 1 Bilyan oo Dollar.

Ebola mise Ebolerrorism?

Tilmaanta madaxweyne Obama ku sifeeyey halista Cudurka Ebola iyo qorshaha uu dalkiisu kaga hortago, ayaa u muuqata mid la mid ah hadallo uu hore ugu sheegay in Kooxaha Xag-jirka ahi halis ku yihiin xasiloonida dunida, gaar ahaan dalka Maraykanka, kuwaas oo inta badan tallaabo Milatari xalkooda lagu raadiyo.

Gobolka Galbeedka Afrika ee cudurkani ka dillaacay, waxa ka mid ah dalka Nigeria oo ay ka hawl-galaan Kooxda Islaamiyiinta ah ee Boka Harram oo Maraykanku u aqoonsaday inay ka tirsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah. Waxa kale oo waddamada uu Cudurkani faraha baas ku hayo u dhow waddanka Mali oo sidoo kale kooxaha Islaamiyiinta ahi awood ku leeyihiin.

EbolaSidaas oo ay tahay, ciidamada Maraykanku u qorsheyeey inay la dagaalamaan Cudurka Ebola, ayaa dadka siyaasadda iyo Danaha Maraykanku u dhuun-daloolaa ku micneeyeen qorshe dawladda Adduunku ugu Awoodda iyo Dhaqaalaha badani ku doonayso inay faro-gelin Milatari ku yeelato waddamada Galbeedka Afrika oo aanay siyaasadda Maraykanku wax saamayn ah ku lahayn. Waddamada Galbeedka Afrika intooda badan, waxa guumaysan jiray Faransiiska, dhammaantood waxa ay ku hadlaan Luuqadda Faransiiska, marka laga yimaaddo dalka Liberia oo lagaga hadlo luuqadda Ingiriiska isla markaana xidhiidh dibloomasiyadeed iyo dhaqaaleba ay wadaagaan Maraykanka.

Qorshaha Dawladda Maraykanku kaga qayb-qaadanayso dedaalka lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Ebola iyo Ciidamada ay u dirayaan waddamada Galbeedka Afrika, ayaa ku soo beegmaya xilli ay dawladdaasi ku hawlan tahay olole ay beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Bariga Dhexe taageero kaga raadinayso tallaabo milatari oo laga qaado Kooxda Daacish ee ka hawl-gasha Bariga Suuriya iyo Woqooyiga Ciraaq, taas oo ay ku tilmaameen inay halis ku tahay xasiloonida adduunka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories