HomeMaraykanka Oo Canbaareeyey Booqashadii Bashar Al-Asad ee Ruushka

Maraykanka Oo Canbaareeyey Booqashadii Bashar Al-Asad ee Ruushka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Washington(SLpost)-War ka soo baxay aqalka Cad ee mareykanka ayaa si adag loogu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad uu ku tagay magaalada Moscow ee xarunta waddanka Ruushka.

Maraykanka ayaa waddanka Ruushka ku eedeeyey inay  madaxweynaha Suuriya u fidiyeen rooga cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka.

Afhayeen u hadlay Maraykanka  oo lagu magacaabo Eric Schulz  ayaa sheegay in casuumadda ay Ruushku u fidiyeen madaxweynaha Suuriya carqalad ku tahay qorshaha lagu raadinayo in xal siyaasadeed buuxa laga gaadho dhibaatooyinka ka taagan wadanka Suuriya.

Sidoo kale Maraykanku waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay taageerada balaadhan ee dhanka milatariga ah ee Ruushku la garab taagan yahay madaxweynaha Suuriya Bashar Al Assad.

Tallaabadaasi waxa ay ku tilmaameen inay dhiiri gelineyso dowladda Bishaar Al-Asad, ayna sii dheereyneyso xilliga dagaalka sokeeye iyo wax ay ugu yeedheen “Kordhinta argagixisada”.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Ruushka Mr Putin waxa uu dalalka diidan maamulka Asad ku wargeliyay qodobada ay ka wada hadleen maalin ka ddib booqashadiisa Moscow ee madaxweynaha Suuriya

Mr Putin waxa uu la hadlay boqor Salmaan ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo labaduba ay aad u caawiyaan mucaaradka la dagaallamaya Mr Asad.

Mr Asad waxa uu Ruushka u gudbiyay mahadnaq ballaadhan oo ku saabsan duqeynta  iyo Fara gelinta Ruushka ee dagaalka Suuriya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories