HomeMaraykanka Oo Al-shabaab Ku Duqeeyay Deegaano Koonfurta Somaliya Ka Tirsan

Maraykanka Oo Al-shabaab Ku Duqeeyay Deegaano Koonfurta Somaliya Ka Tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliya(SLpost)-Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay duqeeyeen laba goobood oo ay u sugnaayeen Al-Shabab Isniintii iyo Talaadada maanta.

Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in duqaymahan la gaystay sababtoo ah Al-Shabab oo halis ku hayey ciidankooda.

12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa lagu dilay weerarradan sida uu sheegay Af-hayeenka Pentagon-ka.

Warar ay VOA heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku dhimatay duqayn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada.

Ugu yaraan shan ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah.

Duqaynta labaad ayaa habeen hore ka dhacday degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Waqooyi Galbeed ee Kismaayo fiidnimadii Isniinta.

Duqaymahan ayaa yimid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadin (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Duqaymaha kale ee tan iyo bishii hore la gaystay ayaa ka dhacay degaannada kala ah Kukobibir, Beerxaani, Jilib, Cabdi Dhoore iyo Kamsuma.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka badbaaday isku day kadib markii qarax lala beegsaday baabuurkiisa.

Laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo manata ka dhacay magaalada Beledxaawo, sida uu guddoomiyaha u sheegay VOA.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories