HomeMaraykanka: Maxkamad Go'aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Korneyl TUKE iyo...

Maraykanka: Maxkamad Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Korneyl TUKE iyo Nooca Dambiga lagu Helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Alexandria (SLpost)- Xeer-beegtida Maxkamad ku taalla magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa maanta go’aan ka soo saaray Dacwadda kiis Jidh-dil iyo Isku-day dil ah oo loo haysto Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka tirsanaan jiray Ciidamadii Dowladdii Soomaaliya.

blank
Korneyl TUKE

Korneyl Tuke oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan Ciidammadii dowladdii Siyaad Barre ee Xasuuqa ka geystay Deegaamada Somaliland, waxa uu gabbood-fallo ka dhan bani’aadamnimada ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, halkaas oo ammarro uu bixiyey lagu laayey dad shacab ah halka isaga laftiisuna uu gacantiisa ku fuliyey Garaacista iyo Dilalka Dad shacab ah.

 

blank
Tuke oo Maraykan ku sugan

Haddaba, Dhegaysida dacwadda Kiiskan oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey ka socotay maxkamadda, waxa ay xeer-beegtidu ku heleen Korneyd Tuke inuu 30-sanno ka hor Jidh-dil u geystay Farxan Maxamed Tani Warfaa oo todobaadkii hore Maxkamadda u gudbiyey Dacwadda.

 

Sida ay aanu ka soo xigannay warbaahinta Maraykanka, Maxkamaddu waxa ay go’aamisay inuu Korneyl Tuke bixiyo Lacag mag-dhow ah oo dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar) inuu siiyo dhibbane Farxan Maxamed Taani oo sheegay in da’diisu ahayd 17-sanno jir markii isaga iyo dad kale shacab ah ciqaab-wadareed u geysteen ciidamo uu watay Korneyl Tuke oo uu sheegay inuu dhowr xabbaadood ku dhuftay ka hor intii aan meyd ahaan looga tagin balse nasiib-wanaag uu ka badbaaday.

blank
Dhibbane Farhan iyo Garyaqaanadii u doodayey oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda

Warku waxa uu intaas ku daray in Korneyl Tuke Maxkamadda horteeda ka sheegay inuu ahaa Sarkaal Ciidan oo ka tirsanaa ciidamadii Soomaaliya, balse waxa uu beeniyey inuu Jidh-dil u geystay dhibbane Farxaan maxamed Taani.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories