HomeMaraykanka iyo Somaliland Oo Ka Wada-hadlay Xalka Xiisadda Laascaanood iyo Qabsoomidda Doorashooyinka

Maraykanka iyo Somaliland Oo Ka Wada-hadlay Xalka Xiisadda Laascaanood iyo Qabsoomidda Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Maraykanka ayaa war ka soo saartay Socdaal uu Magaalada Hargeysa toddobaadkii hore ku yimi Safiirka dalkaasi Shane Dixon iyo nuxurka kulamo uu la qaatay jilayaasha siyaasadda Somaliland.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in safiirka Ingiriisku shalay soo gunaanaday Socdaal uu maalmihii u dambeeyey ku joogay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo kulamo kala duwan oo dhexmaray madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumaddiisa.

Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in safiirka Maraykanku uu sidoo kale kulamo la yeeshay wakiillo ka socday ururrada Bulshada Rayidka ah, madaxda Xisbiyada Waddani iyo UCID iyo sidoo kale wakiillo metelayey ururrada siyaasadda.

Warku wuxuu intaas ku daray in kulamadaas lagaga wada-hadlay qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka mandaqadda, Xuquuqda Aadamaha, in talada laga qayb-galiyo bulshada iyo muhiimadda ay leedahay sii xoojinta hannaanka dimuqraadda

“Dowladda Maraykanku waxay ku diirsatay aqbalaadda heshiiska siyaasadeed ee ay soo jeediyeen Odayaasha Dhaqanka taasoo aan u aragno tallaabo wanaagsan oo loo qaaday qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo intaas ku daray in safiirka Maraykanku sidoo kale madaxda Somaliland kala hadlay sidii wada-xaajood loogu dhammayn lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan Magaalada Laascaanood.

“Wada-xaajoodka iyo u hoggaansanaanta geedi-socodka dimoqraadiyaddu waxay aasaas u yihiin bulsho kasta oo nabadgelyo haysta,” ayuu yidhi Safiirka Marayanka Shane Dixon, sida war-murtiyeedka lagu sheegay.

Danjire Dixon wuxuu ka hadlay mowqifka Dowladda Maraykanka ku qaabishay heshiiska lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay Doorashooyinka madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda.

“Maraykanku waxa uu bogaadinayaa dadaallada dhammaan metalayaasha Siyaasadda ee Somaliland sida ay uga wada-shaqaynayaan danta guud ee ka dhaxaysa,” sidaas ayuu Danjire Dixon ku yidhi war-murtiyeedka caawa ka soo baxay safaaradda Maraykanka.

Danjire Shane Dixon, ayaa ah dublomaasi si ku-meel-gaadh u haya xilka Safiirnimada Maraykanka, isagoo ku magacaaban darajo ka hoosaysa Safiirka, kaddib markii dowladda Maraykanku hoos u dhigtay meeqaamka sarkaalka dublomaasiyeed ee u fadhiya Muqdisho bishii May ee sannadkan 2023 oo darajada booskan laga dhigay Chargé d’Affaires oo ah darajo si ku-meel-gaadh ah u haya xilka diblomaasiyga ugu sarreeya Safaaradda, waxaana loo magacaabag Timothy Trenkle oo xilkaas hayay ilaa July 24, 2023-kii.

Darajada Xilka Safiir buuxa oo safaaradda Maraykanka ee Muqdisho loo magacaabo waxa ugu dambeeyey Ambassador Larry André  oo xilkaas hayay bishii 30-kii May 2023-kii.

Dowladda Maraykanka, ayaa safka hore kaga jirta daneeyeyaasha Beesha Caalamka ee taageerta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories