HomeMaraykanka Iyo Ruushka oo si aan Diyaaradahoodi Isugu Dhicin oo Kaliya uga...

Maraykanka Iyo Ruushka oo si aan Diyaaradahoodi Isugu Dhicin oo Kaliya uga Heshiiyay Duqaymaha Suuriya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Moscow(SLpost)-Mareykanka iyo Ruushku waxa ay ku heshiiyeen bayaan isfahan ah si ay u yareeyaan halista kaga imaan karta diyaaradahooda dagaalka inuu shil ka dhex dhaco inta ay dul wareegayaan hawada dalka Suuriya, Balse aan marnaba soo hadal qaadin in ay shicibka Suuriya ee u tudhayaan si duqaymaha looga daayo, sidaa darteed ay uguba heshiiyeen in mid waliba markiisa galo.

 

Tani waxa ay imanaysaa isagoo Mareykanku uu dhowr jeer Ruushka ku eedeeyay duulimaad aan badqab iyo xirfad aan lahayn iyo inay diyaaradaha kale aad ugu soo dhawaanayaan.

 

Ku xigeenka wasiirka difaaca ee Ruushka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in isfahanka lagu heshiiyay uu labada dal u suuragelinayo inay si nabad ah u fuliyaan howlgalkooda dalka Suuriya.

 

“Waxaan u eegeynaa sida tallaabo wanaagsan, heshiiskan isfahanka ah ee dhexmaray Wasiirka difaaca ee Ruushka iyo waaxda difaaca ee Mareykanka, kaas oo lagu nabadeynaayo duulimaadyada howlgalka Suuriya.” ayuu yiri Mr Antonov.

 

Waxa uu intaa ku daray, “Bayaankan waa u muhiim farsamada aan isticmaaleyno. Waxa ay shuruuc u sameyneysaa hawlgalada ay ka qeybgalayaan diyaaradaha duuliyaha leh iyo kuwa duuliye la’aanta ah ee hawada Suuriya.”

 

Mr Antonov waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda Ruushku ay isbeheysiga ka dalbatay wada shaqeyn ballaadhan oo ay ka mid tahay wadaagidda xogta sirta, laakiin waxa uu sheegay in Amerikanka ay diideen arrintaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee labadan quwadood ee adduunka ku dhibi shaxda imika ayaa Suuriya ka dhigtay goob uu mid waliba markiisa ku tijaabiyo awoodiisa iyo saanaddiisa milatari, taasi oo keentay in mid waliba markiisa duqeeyo kooxda uu taabacsan yahay ee uu ka kalena ka soo horjeedo oo markiisa gantaalaha huwinayo. Dunida Islaamka ah ayaa khidaddan iyo kuwa kale oo la mid ahba ay u dhigaan reer galbeed balse awoodda waxa kala wareegi doona dunida Islaamka ah Idamka Rabbi.

 

 

Somalilandpost, 2015

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories