HomeMaraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlaya Arrinta Suuriya

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlaya Arrinta Suuriya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Newyork(SLpost)-Wasiirada arrimaha dibadda waddamada Mareykanka iyo Ruushka ee kala ah John Kerry iyo Sergei Lavrov ayaa xalay ku kulmay magaalada New York, iyadoo kulankooduna uu qayb ka yahay dedaalka diblomaasiyadeed ee la doonayo in xal siyaasadeed loogu helo xasaradda ka aloosan dalka Suuriya.

Hubka culus ee Ruushku uu ku daabulayo Suuriya iyo dedaalada ay ku doonayaan in ay dhisaan Xulufo ay hoggaminayaan oo la dagaalanta argagaxisada ayaa ugu hareyn doona wada hadalada ka dhacaya golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Labadani nin ayaa ka wada hadlay sida dhaq-dhaqaaqa militari ee Ruushku ka wado gudaha dalkaasi Suuriya ay saameyn ugu yeelan karto fursadaha la doonayo in xal siyaasadeed loo helo colaadda dalkaasi, sidaasina waxa sheegay sarkaal ka mid ah saraakiisha dalka Mareykanka.

Kulankaasi kaddib ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry waxa uu sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray wadahadalka dhex maray isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Mareykankuba aysan isku si u arkin xal u helidda colaadda dalka Suuriya balse uu ku rajo weyn yahay in arrintaasi uu is badal ku yimaado kaddib marka ay wada kulmaan madaxweyne Putin iyo Obama maanta gelinka dambe

Kal hore ayaa madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay dedaalada Mareykanka uu ku hubeynayo fallaagada ka dhanka ah madaxweyne Asad mid sharci darro ah isla markaana aan miro dhal ahayn.

Dhanka kale, dhaq-dhaqaaqa milatari ee isa sii taraya ee Ruushku ka wado gudaha dalka Suuriya ayaa walaac ku dhaliyay xukumadda Washington.

Balse saraakiisha Ruushka ayaa sheegaya in ujeedadooda ay tahay oo kaliya in ay ka caawiyaan militariga Suuriya dagaalka ay kula jiraan kooxda Khilaafada Islaamka, tallaabadaasi oo loo arko mid xoojinaysa madaxweyne Bashar al Assad oo ay xulufo yihiin.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Bashar Al-Asad ay tahay in uu xilka ka dego balse muddoyinkii dambe waxa ay sheegayeen in xil ka degistiisa ay qayb ka noqon karto istaraatijiyadda mustaqbalka fog.

Hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo kuwa mareykanka ee kala ah Vladimir Putin iyo Barack Obama ayaa lagu wadaa in ay kulmaan maanta oo isniin ah si ay bal isula eegaan suurtagalnimada in ay mowqif mideysan ka qaadan karaan arrinta dalka Suuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories