HomeMARAYKAN: Tirada Dadka Gacmahooda Isku khaarajiya oo Heerkii ugu Sarreeyey Maraya iyo...

MARAYKAN: Tirada Dadka Gacmahooda Isku khaarajiya oo Heerkii ugu Sarreeyey Maraya iyo Walaaca laga Qabo Korodhka Shacabka dalkaas oo hoos-u-dhac ku yimaaddo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Waddanka Maraykanka oo ah dalka ugu dhaqaale badan caalamka, waxa kordhay isla markaana heerkii u sarreeyey maraya tirada dadka Cudurka Isku-buuqu ku dhaco ee marka dambe gacantooda isku-dila.

Laba sanno ka hor, dhimashada ku timaadda qof gacantiisa isku-dilay, ayaa ahaa sababta ugu badan ee ay ku timaaddo geerida dadka Maraykanka, taas oo ka badnayd dadka ku dhinta shilalka gaadiidka, sida lagu sheegya war-bixin dhawaan soo baxday oo sheegaysa in ragga iyo dumarka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 64 ay u badan yihiin Dadka gacantooda Isku-khaarajiya, waxaana falkan ugu dambeeyey Jilaagii caanka ku ahaa Aflaamta Hollywood ee Robin Williams oo dhowaan maydkiisa laga helay gurigiisa dhexdiisa.

SuicideRatesNatiijada warbixintan oo maanta lagu daabacay warbaahinta dalka Maraykanka intooda badan, ayaa lagu sheegay in heerka dhimashada ku timaadda Dadka Is-dila ay tiradoodu afar sannadood ka hor ahayd 38,364 qof marka la barbar dhigo dadkii ku dhintay shilalka gaadiidka xilligaas oo tiradoodu ahayd 33,687, taas oo walaac badan ku abuurtay khubarada warbixintan diyaariyey.

Ragga iyo dumarka da’doodu meel-dhexaadka tahay, ayaa ugu badan heerka dhimashada is-dila oo tiradoodu kor u kacday boqolkii 28.4 muddo toban sanno ah gudahood, waxase ay warbixintu xustay inay ugu badan yihiin falka ragga da’doodu tahay Kontomeeyaha, taas oo korodhay boqolkii 50 ilaa sannadkii 1999-kii. Waxa kale oo lagu xusay in 30 ka mid ah 100,0000 ee ragga u dhashay Maraykanka ee da’doodu tahay kontomeeyaha, ay iyagu gacantooda isku dilaan.

Lama oga sababaha keenay kor-u-kacan, haseyeeshe waxa la aaminsan yahay inay qayb laxaad leh ka qaataan Kiniinnada la qaato. Waxa kale oo si laxaad leh uga qayb-qaata isla markaana u badan dadka is-dilaya oo inta badan isticmaala sun si ay dhib yaraan ugu dhintaan.

Waxa kale oo ay warbixintu xustay in cadaadiska dhinaca dhaqaaluhu qayb ka yahay sababaha ay dadku isku-dilayaan, waxaanay khubaradu warbixintooda ku soo gunaanadaan in dalka Maraykanku boqolka sanno ee soo socda qarka u saaran yahay tafiir-go’ ku yimaadda dadweynaha Maraykanka oo wakhtigan tiradoodu kor u dhaafayso 300 Milyan, isla markaana kaalinta saddexaad ka jira waddamada dunida marka loo eego xagga tirada dadweynaha ku nool.

Marka laga yimaaddo baadhitannada lagu shaaciyey dhacdooyinka oo dadka ay la soo gudboonaanayso ama laga soo tabinayaa yihiin Dad Kiristaan ah ama Aan Diinba aaminsanayn, haddana maaha dhacdo lagu arko Dunnida Islaamka, maadaama oo diinteenna Suubbani xaaraan-timaysay isla markaan lagu sheegay ciqaabta uu qofku mudanayo haddii uu naftiisa Micno la’aan dhaawac ugu geysto, iska ba daa inuu Qudha isaga jaro’.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories