HomeMaraykan oo Xaalad Amaan u Adkaynaya Galista Dalkiisa

Maraykan oo Xaalad Amaan u Adkaynaya Galista Dalkiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington(SLpost)-Kaddib, weerarkii Paris iyo California ka kala dhacay ee dhimashada badan sababay ayaa keenay in madaxda Mareykanka ay soo jeediyaan laba hab oo dadka u ogolaanaya inay ku galaan dalka Mareykanka.

Hababkan mid ka mid ah ayaa ah is-beddel lagu sameeyo dal-ku-galka ‘Visa’ loo yaqaan K-1 oo ah midkii ay dalka Mareykanka kusoo gashay Tashfeen Malik oo weearkii magaalada San Bernardino ee California ku lug lahayd. Fiisaha noocan ah ayaa waxaa sannad kasta ku gala Mareykanka 25,000 oo qof oo diyaar u ah guurka muwaadiniin Mareykan ah.

Sidoo kale, habka labaad ayaa ah barnaamijka dadka ka imaanaya 38-waddan oo caalamka ku yaalla u ogolaanaya inay fiiso la’aan soo galaan Mareykanka ee loo yaqaan Visa Wiaver Program, taasoo ay ku joogi karaan Mareykanka muddo 90-maalmood ah.

“Waa inaan baadhitaanno dheeraad ah ku sameynaa fiisayaasha ay wataan dadka soo galaya Mareykanka ee aan laga doonayn inay fiiso sii dalbadaan, sidaa awgeed waxaanu eegmo qoto-dheer ku sameyn doonaa inay dadkaasi u safreen dalal ay dagaallo ka socdaan iyo in kale,” ayuu yidhi madaxweyne Mareykanka Obama oo khudbad habeenkii axadda u jedinayay shacabka Mareykanka.

Obama ayaa hoosta ka xariiqay in xubno ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ay kala shaqeynayaan in arrintan la hirgeliyo, si looga fogaado in waddanka Mareyanka ay soo galaan dadka ku lug leh falalka argagaxisnimo ee calaamka ka dhacaya.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2013-kii ayaa waxaa dalka Mareykanka fiiso la’aan ku galay dad tiradooda lagu sheegay 21.2-milyan oo qof, ka ahaa 39% guud ahaan dadka Mareykanka u yimaada dalxiiska iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayuu madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ku sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan ammaanka shacabka iyo Mareykanka, iyadoo tani ay saameyn xooggan ku yeelan doonto muwaadiniin badan oo ka yimaada dalalka ku yaalla Galbeedka caalamka oo Qaaradda Yurub u badan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories