HomeMaraykan Ma Aha Hal Dal Oo Meel Fog Ku Yaalla, Ee Waa...

Maraykan Ma Aha Hal Dal Oo Meel Fog Ku Yaalla, Ee Waa Dal Deris La Ah Wadan Kasta Oo Dunida Ku Yaalla!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maraykan Ma Aha Hal Dal Oo Meel Fog Ku Yaalla, Ee Waa Dal Deris La Ah Wadan Kasta Oo Dunida Ku Yaalla!!

Dhallin badan oo la yaabtay Lecture ka Prof. Samatar ayaan arkayey, oo leh Trump iyo Maraykan maxaa innaga galey miyaa Somaliland laga hadlo?

In Somaliland laga hadlo qudheedu waa wanaag aad u weyn. Aniga iyo Axmed aad baan uga wada sheekaysanney mawduucan, oo aan anigu u arkaayey mid sida uu yahay ah.

Maraykan waa dalka adduunka ugu dhaqaalaha weyn ee ugu xoogga badan. Dhaqaalaha adduunka waxa uu ka yahay 22% in ka badan. Waxa uu leeyahay 800 oo saldhigyo ciidan ah oo ku yaal in ka badan 70 waddan.

Dal kasta oo adduunka ku yaal Maraykan waa la jaar oo saldhig ciidan ayaa u jira wax ka yar 300 miles! Tusaale ahaan, Somaliland, Itoobiya Kiiniya, Yemen, Soomaaliya, Eriteeriya intaba saldhigga weyn ee Jabuuti ku yaal waxa uu si is le’eg ugu jiraa wax ka yar 300 miles!

Marka xaal sidaa yahay, Maraykan waa dal inna la jaar ah, oo Madaxweyne u ololeeyey si qayrul-masuulnimo badani ku jirto uu hoggaanka u qabtay. Sidaa darteed, taxadir dheeraad ah iyo xiska naqdiga ah oo aynnu aad uga shaqaysiino waa laga ma maarmaan.

Waxa siyaasadda Maraykanku xumaan iyo samaan ka dhex muuqataa bogcaddaha ugu mihiimsan adduunka ee dhaqaaluhu yaal iyo kuwa kale ee marinnada ah sida, Bariga Dhexe, Bariga Fog, Yurubta Bari, Yurubta Waqooyi, Yurubta Galbeed, Afrka, Koonfurta Eeshiya iyo Koonfurta Maraykanka.

Maalintii Trump la doortay waxa shir degdeg ah isugu yimi Dawladdaha Shiinaha oo laba todobaad naaqishayey saameynta guusha Trump iyo siyaasadda Shiinaha.

Waxa isku yimi dhammaan 27 dal ee Midawga Yurub marka laga reebo dawladda UK oo iyadu US la leh xidhiidh aan noociisu adduunka ka jirin (special relationship), kulan kana sidaa uga baaqsatay.

Waxa shirar galey dawladdaha India, Pakistan, Bangladesh iyo Iran. Sidoo kale dalalka Koonfurta Maraykan kulan degdeg ah ayey yeesheen. Dalka Ruushka markii taariikhda ugu horreysay waxa soo fadhiistay Putin oo war bixin siiyey 1,400 warriye oo caalamka oo dhan isaga yimi.

Jaamacadda Carabta baaq toos ah ayey soosaareen oo ah in ay la shaqaynayaan Maraykan, walbahaar badan ayaa se ku dhacay dalka Sucuudiga iyo Sudan.

Turkigu oradkii waxa uu hoos fadhiistay Putin oo uu raali-galin wax walba ka bixiyey isaga oo cabsi badani hayso. Judhii uu arkay qaabka ololaha Maraykan u socdo iyo ragga Jamhuuriga hor kacayey.

Dawladdaha Jaarka aynnu la nahay ee Kiiniya iyo Itoobiya mid waliba iskii ayuu shir u qabsaday uu ku naaqishayo adduunka is-beddelay ee Trump hor kici doono.

Somaliland oo aan la aqoonsaneyn, oo waliba cidda ilaa iyo hadda la kari la’ yahay ee ictiraafka u diiddani ay Maraykan tahay, maxaa diiddaya in ay xisbiga Jamhuuriga la dabaal joogtayso?

Ma intaas oo waddan ayeynu ka itaal iyo dhaqaale roonnahay, waxa cabsi galiyey innagu ma ka eed la’ nahay?

Dhallinta waxa aan xog-ogaalka ahayn waxa u wanaagsan in ay hadalka, fahamka ka horreysiiyaan, oo ay bartaan sida ay adduunyadu u shaqayneyso, iyo halka lagu kala macaashayo ee runtu ay taalo.

Lecture kaasi waa mid aad u qiimo badan waxa aan soo jeedin lahaa intii nasiib u heshaa in ay ka qayb qaadato, bal si aad wax badan uga fahamtaan adduunyadu sida ay u shaqayneyso.

Mohamed Hagi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories