Home"Maraykan ha joojiyo Dhuuqista Dhiigga Shacabka Itoobiya"- Bannaan-bax Ka dhan ah Maraykanka...

“Maraykan ha joojiyo Dhuuqista Dhiigga Shacabka Itoobiya”- Bannaan-bax Ka dhan ah Maraykanka oo lagu taageeray Abiy Axmed

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Addis Ababa (SLpost)- Tobanaan Kun oo Qof ayaa Axadda maanta magaalada Addis Ababa ka sameeyey bannaan-bax ay ku taageerayaan Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Axmed Xilli ay Milatariga dalkaasi dagaal qadhaadh kula jiraan Malleeshiyaadka mucaaradka oo ku hanjabay inay weerarayaan caaasimadda.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, bannaan-baxayaasha qaarkood ayaa dhaleecayn u jeediyey Maraykanka oo ka mid ah waddamo dhawr ah oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka muddada halka sanno socday ee u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo Jabhadda TPLF, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan Qof oo isugu jira Dad Shacab iyo Ciidamada labada dhinac.

blank
Banaan-baxayaasha ku Kulmay Fagaaraha Meskel – XUQUUQDA SAWIRKA, Reuters

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo waddamada Kenya iyo Uganda ayaa sidoo kale Xabbad-joojin ugu baaqay dowladda Ethiopia iyo Jabhadda TPLF.

Xukuumada Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa ku adkaysatay inay sii wadayso dagaalka ay kula jirto Jabhadda TPLF oo ku tilmaantay Argagixiso. Jimcihii dorraad, ayaa dowladda Ethiopia sheegtay inay  masuuliyad ka saaran tahay sugidda ammaanka dalka, waxaanay dalalka caalamka oo Maraykanku u horreeyo ugu baaqday inay garab istaagaan dimuqraadiyadda Itoobiya.

Bannaan-baxayaasha oo isku urursaday fagaaraha Meskel ee badhtamaha Addis Ababa oo ku jeeni-qaaran Calanka Ethiopia, ayaa qaarkood gaar u bartilmaameedsadeen dowladda Maraykanka oo ay dhaliilo u jeediyeen, kaddib markii dalkaasi xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada ku eedeeyey inay Milatariga federaalka Ethiopia ka gesteen gobolka Tigray. Sidoo kale, Maraykanka ayaa ku hanjabay inuu Ethiopia ka saarayo Liiska waddamo Afrika ku yaalla oo Heshiis ganacsi kula jira dalka Maraykanka.

Sida ay qortay Reuters, Bannaan-baxayaasha ayaa qaarkood siteen boodhadh ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo lagu cambaaraynayo dowladda Ethiopia. “Ha Isku xishoodo Maraykanku,” sidaasi waxay ku qornayd mid ka mid ah boodhadhka bannaan-baxayaasha. Halka Mid kalena sitay boodh lagu xardhay, “Maraykanku ha joojiyo Dhuuqista Dhiigga Shacabka Ethiopia”.

blank
Khariiradda Ethiopia oo lagu muujiyey Shaxda gobollada Canfarta, Axmaarada iyo Tigray-ga. XUQUUQDA Sawirka: Al Jazeera

Bannaan-baxayaasha qaarkood ayaa ku dhawaaqayey kelmado ay kaga soo horjeedaan Soo-jeedinta dowladda Maraykanka oo Miiska wada-hadallada ugu baaqay dowladda iyo Jabhadda TPLF.

“Maxay dowladda Maraykanku wada-hadal ula geli wayday kooxaha argagixisada sida al-Shabaab?”, sidaas waxa Reuters u sheegay Tigist Lemma oo ah 37 ka qayb-qaatay bannaan-baxa maanta, waxaanu intaas ku daray, “Waxay rabaan inay dalkayaga u burburiyaan sidii Afgaanistaan ​​​​oo kale, waligood nama guulaysan doonaan, waxaanu nahay Itoobiyaan.”

Dagaalka Ethiopia ee Gu’jirsaday ayaa ka bilaabmay Woqooyiga dalkaas, kaddib markii xoogag ka tirsan TPLF la wareegeen Saldhig Milatariga Federaalku ku leeyihiin gobolka Tigray. Waxaanay taasi sababtay in Raysal-wasaare Abiy Axmed uu gobolka Tigray u diro Ciidamada Federaalka oo horaantii dagaalka ku guulaystay inay la wareegeen gacan-ku-haynta Caasimadda gobolka ee Mekelle kaddib markii magaalada laga saaray xoogagga TPLF.

Haseyeeshee, bishii June ee sannadkan ayay xoogagga TPLF dib ula wareegeen gobolka Tigray, waxaanay qabsadeen deegaamo ka tirsan gobolka Amhaarada kaddib markii ay dib u soo riixeen ciidammada federaalka oo taageero ka helaya Xoogagga ismaamulka Axmaarada.

Sida lagu shaaciyey warbixinta hay’adaha Qaramada Midoobay, Dagaalka Ethiopia waxa ku dhintay kumanaan Qof, in ka badan 2 Milyan oo Qof ayaa  ku bara-kacay, halka 400,000 qof qarka u saaran yihiin xaalad macaluul ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories