Home“Mar haddii laba sanno oo hore inagaga lumeen... Jidka kaliya ee innoo...

“Mar haddii laba sanno oo hore inagaga lumeen… Jidka kaliya ee innoo furan waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururrada Siyaasadda” – Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mudaneyaasha Goleyaasha Baarlamaanka ku war-geliyey inuu dhawaan u soo gudbin doono wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Furitaanka Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

blankMadaxweyne Biixi oo maanta khudbad-sannadeedka dastuuriga ah ka jeediyey fadhi ay isugu yimaaddeen laba Gole baarlamaan, waxa uu sheegay in diidnimada xisbiyada mucaaradku ka muujiyeen inay doorashooyin dalka ka qabsoomaan labadii sanno ee u dambeeyey sababo la xidhiidha khilaafka ka taagan sharciyadda guddiga doorashooyinka cusub iyo kuwii hore ee la beddelayba ay lumiyeen wakhtigii dalka laga qaban lahaa doorashooyin, sidaas awgeed jidka kaliya ee xilligan furani yahay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa furitaanka ururrada siyaasadda.

Madaxweynaha oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, shantii sanno ee kasta waa in Shacabka JSL u dareero doorasho uu ku soo doorto Golayaasha iyo Hoggaanka Dalka. Muddadii labada sanno ahayd ee Xukuumaddu xilka haysay, waxa ay dadaal ugu jirtay sidii doorashooyinkii Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanku u qabsoomi lahaayeen. Waxaanu diyaarinay kharashkii lagu gali lahaa doorashooyinka isku-sidkan, wixii kaga aadanaa Xukuumadda.

Xisbiyada Mucaaradka ah laba sanno waxa ay diidanaayeen in uu doorasho qabto Komishankii jiray. Markii wakhtigiisii dhammaaday, waxa la soo magacaabay Komishan cusub oo soo maray jaran-jarooyinkii sharci ee loo baahnaa. Hase yeeshee, labada Xisbi Mucaarid ayaa haddana diiday in ay doorasho qabtaan Xubnihii Komishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Fulinta iyo Golaha Wakiillada, Maxkammadda Sarena dhaarisay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa dhawaan Kaabista iyo Wax-ka-bedelka Xeerarka arrintaasi khuseeya, waxaanan rajaynayaa in aad waajibaadkiina dastuuriga ah ka gudan doontaaan.” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpos.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories