Home“Mar hadday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is...

“Mar hadday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa”

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo shalay masuuliyiin ka tirsani shir- jaraa’id ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey in ay ka gaabisay sidii ay u xalin lahayd caqabadihii soo wajahay shirkadda shidaalka baadhaysay oo ay sheegeen in ay amakaag iyo fajiciso ku noqotay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Masuuliyiintan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, guddoomiyaha guddida Arrimaha Debadda ee xisbiga WADDANI Dr Maxamed Cismaan Fadal, Afhayeenka Xisbiga Ibraahim Mahdi Buubaa, Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali iyo Xubno kale, ayaa waxa ugu horreyn halkaas ka hadlay Dr Maxamed Cismaan Fadal oo sheegy inay amakaag ku noqotay bulshada Somaliland bixitaanka Shirkadda Genel Energy ee hawlaha sahanka Shidaal ka wadday gobollada Bari ee dalka.

“Argagax bey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii Genel Energy ee gobalada Bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan u diyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey, xukuumadduna ilaa hadda arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo, waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay,” ayuu yidhi Dr Maxamed Fadal.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxa uu Dr Fadal wax laga murugoodo ku tilmaamay dadkii muwaadiniinta ahaa ee ka hawl galayey iyo waliba cid kasta oo ay wax ka galeen  hawlaha Baadhista Shidaalka, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka xunnahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaadka iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah.”

Masuuliyiintani waxa ay dhinaca kale ku eedeeyeen wasaaradda Duulista iyo Hawadu in ay ku fashilantey adeeggii ay dadka socdaalka ah u haysay, garoonkii cusbaana aanay wax duulimaadyo ahi ka socon isla markaana shaqadii garoonka ee malaayiinku ku baxeen ay noqotay hal bacaad lagu lisay.

Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ka tirsan gudida arrimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo  arrimahaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “In diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ahi fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaarada Duulista iyo Hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu  haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, wasaaradda duulistuna u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaadda ku timi dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, mar haday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa,”ayuu yidhi Dr Cabdirashiid

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories