HomeMANHAJ WAXBARASHO OO TAYO LEH AYAA SOO SAARI KARA ARDAY TAYO LEH

MANHAJ WAXBARASHO OO TAYO LEH AYAA SOO SAARI KARA ARDAY TAYO LEH

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, waxaan salaamayaa dhammaan akhristayaasha sharafta leh, salaan ka bacdi. Laga bilaabo sannadii 1993 oo ah intii aan ku garaadsaday jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa jiray Wasiiro fara badan oo soomaray Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiiradii soo maray Wasaarada Waxbarshada, waxay soo mareen xiliyo lagu jiray xaalado kala duwan oo Wasiir kastaaba ku dadaalayey sidii Dugsiyada loo furi lahaa carruurtuna ay u heli lahayd Waxbarasho.

Wasiiradiisi waxay ku dadaaleen sidii loo furi lahaa Dugsiyada, waanay fureen Dugsiyaddii , laakiin arrinta u baahan in dib loo eegaa waxay tahay in ma jirtaa siyaasad guud uu ku wajahan sidii dalku u heli lahaa Siyaasada Waxbarasho oo tayo leh
oo isu dheelitiran.

Inta aan ka xasuusto niddaamka Waxbarasho ee Somaliland ma jiro Siyaasad Miisaaman oo Waxbarasho oo isu dheelitiran, isla markaana lagu hagi karo Waxbarsho tayo leh oo soo saarta arday tayo leh. Iyadda oo taasi jirto ayaa Wasiiraddii faraha badnaa ee soo maray Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare uu mid kastaaba isku dayayey in uu soo saaro Manhaj Waxbarasho oo hage u noqda Siyaasada Waxbarasho ee dalka, laakiin sida aan u fahmay Wasiiradaasi Wasaarada soo maray waxa kaliya oo u jeedadoodu ahayd in sameeyaan Manhaj Waxbarasho oo tayadooda aan la hubin oo ay iyagu ku saxeexan yihiin, si taariikhda qorani mar uun u xusto in hebel mar Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare uu Wasiir ka ahaa.

Adduunka Qaran kastaa wuxuu leeyahay Siyaasad Waxbarasho oo hage u noqotay Ardaydooda, si waddankoodu u gaadho Cilmi ka sareeya inta ardayda iskuulka guddihiisa ku dhigato, si aynu waddamadaas uga dayano waxaynu u baahan nahay dajinta Siyaasada Waxbarasho oo tayo leh, oo ay ka qayb qaataan dhammaan aqoonyahanka dalka, si loo sameeyo Manhaj Waxbarasho oo tayo leh, lana tartami kara Manhajyada Waxbarsho ee ay leeyihiin Waddamada adduunka sida kuwa Africa, Asia, America iyo Europe.

 

Dhanka kale waxaan soo dhawaynayaa talaabada fiican ee uu qaaday Wasiirka Cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdilahi Ibraahim Habane, aniga oo u arkay in uu doonayo in uu bilaabo sidii Qarankani  u heli lahaa Manhaj Waxbarasho oo tayo leh, soona saari kara arday tayo leh. Waana arrin u baahan in ay ka qayb qaataan dhammaan aqoonyahanka iyo Waxgaradka si Manhajku u noqdo mid tayo leh, lana tartami kara Waddamada adduunka.

Ugu dambeynta waxaan leeyahay Qaran aan lahayn Manhaj waxbarasho oo tayo leh, ma hiigsan karo Qaramada Adduunka, mana hiigsan karo horumar dhaqaale, mid Cilmiba maadaama oo waxbarashadu tahay jaangoyn muhiim ah.

 

dearmahad@outlook.com

Mobile: 00252-63-4489943

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories