HomeManchester City oo markii ugu horreysay Muddo 44 sanno ah Guul taariikhi...

Manchester City oo markii ugu horreysay Muddo 44 sanno ah Guul taariikhi ah ku hanatay Horyaalka Ingiriska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[S]Lpost Sports – Kooxda Manchester City ayaa tallaabo aan hore uga dhicin kubadda Cagta dalka Ingiriiska ku hanatay horyaalka dalkaas ka dib markii wakhtigii dheeraad ahaa ee lagu daray ay ku keensadeen laba gool oo ay weeraryahannada kooxda ku adkaatay inay ku hubsadaan shabaqa kooxda QPR 45 daqiiqo ee qaybtii dambe ee ciyaarta.

blankKooxda QPR iyo tabobarahooda oo garoonka ka soo xaadiray iyaga oo ballansan inay hanashada horyaalka seejiyaan City, kana badbaadaan inay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee tartanka Horyaalka Ingiriiska ka hadhaysa, ayaa dhammaantood difaac ka galay goolkooda si aanay kubaddu u dhaafin, balse Manchester City oo bilowgiiba u muuqatay inay hananayso horyaalka ayaa heshay fursad ay gool ku dhaliso ka dib markii uu gool cidhiidhsi ah haleelay xiddigga Khadka dhexe uga ciyaara City ee Zambrotta shabaqa ku hubsaday daqiqaddii 43aad, waxaanay ciyaarta qaybtii hore ku dhammaatay 1-0.

blankManchester City ma ledin guushii ay hoggaaminaysay ee qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo noqday ayey kooxda QPR ka faa’idaysatay khalad uu sameeyey difaaca Manchester City ee Lescott oo kubbad dhanka goolka QPR ka timi uu isku dayey inuu madaxa ku siiyo saaxiibkiisa daba-taagnaa, balse waxa dhexda ka qayb-saday weeraryahanka Faransiiska ah ee Djibril Cisse oo aan khasaarin fursaddii uu helay goolkana ku hubsaday.

Wakhtigan kooxda QPR waxay sii xoojisay Difaaca, ka dib markii kaadhka cas la siiyey ciyaartoy ka tirsan QPR oo ku khaldamay weeraryahanka reer Argentina ee Carlos Teves taasina sababtay inay sii xoojiyaan difaacooda, waxaana Xiddigaha Manchester City u suurto-gali waayey inay wax gool ah dhaliyaan. Waxa kaga sii daray, ka dib markii uu dhaawacmay furaha Dhexda Man City Yaya Toure oo lagu beddelay De Jong. Balse, rejadii City waxay sii Xumaatay markii gool labaad uu QPR u dhaliyey ciyaartoga Jamie Mackie.

In kasta oo ay xiddigaha City dedaallo badan sameeyeen si ay u dhaafaan gidaarka ay goolka ka hortaageen ciyaartoyga QPR oo isku dayaya inay ka badbaadaan horyaalka heerka Labaad.

Dhanka kale, kooxda Manchester United oo lafteedu rejo ka qabtay inay hanato koobka ayaa wakhtigan 1-0 ku hoggaaminaysay kulan ay ku booqatay kooxda Sunderland. Halka kooxda QPR ay isla wakhtigan u muuqatay mid ka badbaadaysa hadhitaanka maadaama kooxda Bolton oo ay isku dhibco dhawaayeen ay ku hoggaaminaysay 2-1 kulan ay la ciyaaraysay kooxda Stoke oo markii dambe ku dhammaatay 2-2

Iyada oo kooxda Manchester City ee taageerayaashooduba ay rejo beel ka ahaayeen hanashada koobka horyaalka, laguna jiro wakhtigii dheeraadka ahaa uu goolkii barbar dhaca u dhaliyey weeraryahanka Edin Zeko oo lagu beddelay Carlos Teves, taasina sababtay inay City ka faa’idaysatay saddex daqiiqo oo ka hadhsanaa wakhtigii dheeraadka ahaa.

blankWakhtigii dhimashada iyada oo ciyaartu sii dhammaanaysayso, waxa kooxda City iyo taageerayaasheedaba ka farxiyey weeraryahanka reer Argentina ee Aguero oo kubbad uu si fiican  uga soo shaqaystay ku hubsaday shabaqa kooxda QPR.

blankFursaddani waxay u suurto-galisay City inay 44 sanno ka dib markii ugu horreysay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska iyada oo ay fejiciso noqotay qaabkii ay goolashu u dhasheen saddexdii daqiiqo ee ugu dambeeyey.

SLpost News

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories