Home“Ma Ogolaanayno In Somaliland Dabaqado Yeelato, Ganacsataddana Baryi Mayno”

“Ma Ogolaanayno In Somaliland Dabaqado Yeelato, Ganacsataddana Baryi Mayno”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan  Saxaradiid Caddaani  ayaa walaac xoogan ka muujiyay lacagaha qaalaad siiba dollarka, taas oo meesha ka saartay isticmaalka shilinka Somaliland, isla markaana dhibaato xoogan ku haysa guud ahaan bulshada.cadaani

Wasiir dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddani oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliland ayaa ka dayriyey

isticmaal la’aanta shilinka Somaliland, Wasiirka oo arrimaha ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhiig bax baa Somaliland ku socda, ka taajirka ah, ka dawlada ah iyo ka askariga ah dhiig bax baa ku socda..”

Mudane Caddaani waxa uu ka waramay faa’iidada ku jirta in dal kastaa uu isticmaalo lacagtiisa, waxaanu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaaya “sidan ay wax u socdaan maaha noolow, waa dhiigbax saameyna ku yeelatay bulshada oo askariga foranta joogay wixii yaraa ee la siinayay markay waxba u tari waydo ee macallinkii mushaharkiisi carruurtiisi waxba u jari waydo, ninkii shaqaalaha, miisaaniyaduna si kastoo loo krodhiyo, ma fadhiisanayso, haddii aan waxba laga qaban lacagta doolarka oo qof kastaa shillinka iyo lacagtiisa isticmaalin.”

Wasiiru-dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “annagu ma nihin gobol ka tirsan dalka Maraykanka, waxaanu nahay dal madax banaan oo Somaliland la yidhaahdo, oo dalalka deriska kala mida isticmaalka lacagtiisa. Hadday tahay Ethiopia, Jabuuti, Kenya, dalalkaasi oodhan waxay isticmaalaan lacagtooda oo ta kowaad ah.

Hadaynaan biyaha, roodhida, baydhkii raashinkii, intaba aynaan ku iibsan shillinkeena ma noqonayno ummad, ummaduna waxay tahay, isticmaalka lacagta dollarku dadkeeni waxay ka abuuraysaa in ay dabaqado yeelato, dowlad ahaan iyo dal ahaanba marnaba ma ogolaanayno in dalkeena dabaqado yeesho.”

Wasiiru Dowlahu waxaa uu ugu danbeyn fariin u diray ganacsatadda dalka “waar waxaanu leenahay dollarkan in raga qaar ay iska gurtaan oo danyartuna ku bakhtido, oo ay ka dhego adeygaan isticmaalka lacagtoodii annaggu dowlad baanu nahay, ganacsataddana ma baryeyno, shicibkana ku eegi mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa, waxaan leeyahay waar ka daaya ganacsigiina lacagta dollarka oo isticmaala lacagtiina.

Dhamaanteen waa inaynu hareeraha qabanaa oo arrintani maaha mas’uuliyad u taala wasaaradda maaliyadda  oo keliyaata oo waa mas’uuliyad u taala qof kasta oo reer Somaliland ah in la isticmaala lacagteena iyo shillinkeena.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories