HomeMalleeshiyaadka Puntland oo Ganacsade Caan ah ku Dilay Laascaanood Iyo Khilaaf Xooggan...

Malleeshiyaadka Puntland oo Ganacsade Caan ah ku Dilay Laascaanood Iyo Khilaaf Xooggan Oo Ka Dhashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Gudaha magaalada Laascaanood, waxa lagu dilay Nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Doora-Qoosh, kaas oo Si Weyn looga yaqaannay gudaha magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran.

Marxuumka oo hayb ahaan ka soo jeeda Beesha Ugaadhyahan ee Dhulbahante, ayaa la sheegay inay gudaha magaalada ku toogteen Ciidamada maamul-goboleedka Puntland.
Wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood, ayaa lagu sheegay in sababta ka dambaya dilka loo geystay marxuumku la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha dhinaca kala duwanaanshiyaha afkaarta oo mudo dhextaalay.

Warku wuxuu intaa ku daray in Marxuumka Dilka loo geystay oo u dhashay Beesha Nuur Axmed oo degta degmada Taleex uu afkaar ahaan ka soo horjeeday damaca Siyaasadeed ee maamul-goboleedka Puntland ku sheegto gobolka Sool, iyada oo arrintan awgeed marxuumka loogu geystay dhaawac dhinaca caloosha ah.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Qaadka iibiya ee sida weyn looga yaqaanno gobolka Sool, waxa caweysinkii Caawa badhtamaha magaalada Laascaanood ku toogtay maleeshiyaadka maamul-goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan ka joogaan magaalada Laascaanood oo ay xilligan ku sugan malleeshiyaad Huwan ah oo Qaab Qabiileysan u yimi magaalada si ay ula dagaalamaan ciidamada Qaranka ee Somaliland.

Dilka Marxuumka oo Meydkiisa la geeyey cusbitaalka magaalada Laascaanood, ayaa khilaaf ba’an ka dhex-abuuray malleeshiyaadka Huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood, kaddib markii ay arrintan si weyn uga xumaadeen malleeshiyaad u badan qaadleyaasha magaalada iyo beesha uu marxuumku dhalasho ahaan ka soo jeedo oo ka Gadooday dilka marxuumka.

Gadoodkan ayaa sababi gaadhay isku dhac hubaysan oo gudaha magaalada ku dhexmara maleeshiyaadka Huwanta ah oo aaminsan afkaaro siyaasadeed oo kala ujeeddo ah balse ka midaysan aragti Isir-nacayb ah Oo ay kaga soo horjeedaan Somaliland.

Maleeshiyaadka maamul-goboleedka Puntland ayaa sidan oo kale magaalada Laascaanood ugu dilay shaqsiyaad caan ka ah magaalada dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey, waxaanay mar kasta oo ay ka cabsadaan inuu bannaanka u soo baxo khilaafka, kala qaybsanaanta iyo utunaha ay malleeshiyaadku kala tirsanayaan weerarro miidaamo ah ku soo qaadaan fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland oo ay dhibaaxo kulul kala kulmaan.

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa magaalada Laascaanood kula dagaalamaya maleeshiyaadka huwanta Oo ka Kooban Kuwa Deegaanka, Kooxo Argagixiso ah, ciidamada maamul-goboleedka iyo malleeshiyaad hayb ahaan uga qayb-qaadanaya dagaaylka kuwaas oo kala yimi Soomaaliya iyo Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories