HomeMalleeshiyaadka Huwanta ah ee Laascaanood Oo Isu-diyaarinaya Weerar ay Ku Qaadaan Fadhiisimada...

Malleeshiyaadka Huwanta ah ee Laascaanood Oo Isu-diyaarinaya Weerar ay Ku Qaadaan Fadhiisimada Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Xogo sirdoon oo caawa laga helay magaalada Laascaanood, ayaa tibaaxay inuu magaaladaas ka jiro dhaq-dhaqaaq Ciidan oo isu-diyaarinaya sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka Laascaanood oo uu ku jiro saldhigga ugu weyn ee Gooja Cadde.

Xogahani waxay tibaaxeen in malleeshiyaadka Huwanta ah oo maanta ay soo gaadheen gurmad ciidan oo la sheegay inay ka yimaaddeen Kismaayo, ay ka faa’idaysanayaan Cimilada oo roobban isla markaana ay doonayaan inay saqda Dhexe ee habeenimada Caawa weerar ku ekeeyaan saldhigyada Ciidanka.

In kasta oo maleeshiyaadka Huwanta ah Jab Xooggani ka soo gaadhay dagaalkii shalay, waxa ay xogaha sirdoon ee la helay sheegayaan inay wax ka beddeleen qaabkii ay weerarrada ugu qaadi jireen ciidanka Qaranka, waxaanay gebi ahaanba meesha ka saareen inay kaxaystaan wax tikniko si aan loo dhaadin isla markaana ay Fadhiisimada Ciidanka ku galaan iyagoo Afan-tari ah (Ciidan Lugaynaya).

Weerarka ay maleeshiyaadka Huwanta ahi qorsheyeen Caawa, ayaa la tilmaamay inuu yahay Kii ugu dambeeyey ee ay ku qaadaan Xerada Gooja Cadde.

Si kasta oo ay tahay, Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa la tilmaamay inay la socdaa dhaq-dhaqaaqyada malleeshiyaadka, iyadoo ciidanku maanta soo bandhigay Awoodo Tiknoolajiyeed oo u saamaxaya inay soo Af-jaraan dhaq-dhaqaaqyada Maleeshiyaadka.

Taliska Ciidanka Qaranka ee Gooja Cadde, ayaa caawa soo bandhigay Muuqaallo lagu Duubay Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka, kuwaas oo lagu soo bandhigay dhaq-dhaqaaqyada malleeshiyaadka oo isu diyaarinaya inay weerarraan Ciidanka Qaranka iyo marka ay dagaalka ku jabaan ee Ciidanku Baacsado oo ay Gabbood ka dhiganayaan Guryaha Shacabka iyo Masaajiddada magaalada.

Dagaalka 18-kii bishan March dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka Huwanta ah oo soo weeraray Fadhiisimada Ciidanka, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dagaalkii ugu khasaaraha badnaa labada dhinacba, iyadoo la sheegay inay malleeshiyaadka huwanta ah dagaalka kaga geeriyoodeen in ka badan 350 Askari halka tiro ka badan 700 Qof ka dhaawacmeen.

Dhinaca Ciidanka Qaranka, waxa la sheegay inay geeriyoodeen 18 Askari halka Dhaawacana la sheegay inuu gaadhayo 48 Askari.

La Soco Wixii Warar Ah ee soo kordha……

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories