HomeMalleeshiyaad Hubaysan oo 14 Qof oo Shacab ah ku dilay Galbeedka Ethiopia

Malleeshiyaad Hubaysan oo 14 Qof oo Shacab ah ku dilay Galbeedka Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Addis Ababa (SLpost)- Malleeshiyaad hubaysan, ayaa dad shacab ah ku laayey deegaamo ka tirsan galbeedka dalka Ethiopia hortaantii todobaadkan.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha Ammaanka ee Ismaamulka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla Galbeedka Ethiopia, ayaa sheegay in weerar kooxo hubaysani toddobaadkan qudha ka jareen14 qof oo rayid ah, halka ciidamada ammaankuna dileen 14 ka tirsan maleeshiyada weerarka fulisay.

blankDhacdadan ayaa ahayd weerarkii u dambeeyey ee isku-dhacyo dhexmara malleeshiyaadka iyo ciidamada ammaanka gobolkaas. Laba weerar oo gobolkaas ka dhacday todobaadyadii la soo dhaafay ayaa la sheegay inay ku dhinteen dhowr iyo toban qof oo shacab ah.

Hoggaanka nabad-gelyada ee gobolkaas, Gashu Dugaz, ayaa xaqiijiyay in weerarka u dambeeyey oo ka dhacay degmada Dangur ay ku dhinteen 14 qof, halka 8 qof oo kale dhaawacyo ka soo gaadheen, kuwaas lagu dabiibayo cusbitaalka degmadaas.

Sarkaalkan oo u warramay wakaaladda wararka ee AP, waxa uu sheegay in dadka weerarka ku dhintay uu ka mid ahaa Qof Ajaanib ah, balse faahfaahin kama bixin waddanka uu ka soo jeedo.

Bayaan uu soo saaray Khamiistii, ayuu Sarkaalka ugu sarreeya nabadgelyada ee gobolkaasi ku sheegay in labo ka mid ah raggii weerarka soo qaaday nolol lagu qabtay iyo hubkii ay siteen.

Milatariga Itoobiya iyo xubno ka tirsan booliska Federaalka iyo kuwa gobolka oo la xoojiyey, ayaa laga hawl-galiyey deegaamada gobolka Benishangul-Gumuz oo ah meesha uu ku yaallo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

Qaybo badan oo ka tirsan gobolkaas ayaa la sheegay in maamulkiisa ay la wareegeen ciidamada Milatariga Ethiopia.

blankMid ka mid ah dadka ku nool degmada Dangur ee weerarku ka dhacay, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP oo aanu warkan ka soo xigannay, in weerarrada lagu bartilmaameedsaday qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Amxaarada iyo Agaws-ha ka mid yihiin, dadkuna ay cabsi ka qabaan weerarro kale oo lagu soo qaado.

Bishii September ee sannadkan, warbixin ay soo saareen Guddiga Xuquuqda Aadamaha ee Itoobiya ayaa laga dayriyey xaaladda gobolkaas, iyagoo sheegay inay aad uga walaacsan yihiin weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sii kordhaya gobolka Benishangul-Gumuz, waxaanay warbixintooda ku sheegeen in la dilay 15 qof oo rayid ah.

Waxay Guddigu sheegeen in saddex weerar ka dhaceen gobolkaas intii u dhacay 6-dii ilaa 13-kii bishii September, laguna dilay dad rayid ah, halka in ka badan 300 oo qof ku barakaceen.

Xiisadaha qowmiyadeed ee ku sii badanaya Itoobiya ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla Galbeedka dalka Ethiopia, ayaa xuduud la leh Dalka Sudan, waxaana ugu badan Laba qoomiyadood ee Benishangul iyo Gumuz oo ah halka laga soo dheegtay magaca loo bixiyey gobolkan. Qaybo badan oo ka mid ah labada qoomiyadood ayaa ku nool gudaha dalka Sudan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories