HomeMaleeshiyada deegaamada Buuhoodle oo Saaka soo weeraray ciidamada Qaranka, Tirada Tiknikada iyo...

Maleeshiyada deegaamada Buuhoodle oo Saaka soo weeraray ciidamada Qaranka, Tirada Tiknikada iyo Maxaabiista laga qabtay, Ciidanka oo Buuhoodle la wareegay iyo Dagaalka oo weli socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buuhoodle, 08 January, 2012 (SLpost)- Kooxaha Maleeshiyada isku urursatay deegaanka Buuhoodle ayaa saaka abbaaro 5:00 subaxnimo weerar ku soo qaaday Ciidamada Qaranka ee ku sugan deegaamada Sooljoogto.

Maleeshiyada ayaa ciidamada Qaranka ka soo weerartahay laba aag wakhti hore oo Salaadda Subaxnimo lagu jiro, waxaana la sheegayaa in kooxda Maleeshiyada ah loo geystay Khasaare baaxad weyn, waxaanay ciidamada Qaranku gacanta ku dhigeen dhammaan magaalada Buuhoodle.

Weerarkan gaadmada ah ayaa markii sababay in Ciidamada Qaranka laga qabsado shan baabuur oo nooca tiknikada ah balse markii dagaalku bilaabmay, ciidamada qaranka u suurto-gashay inay dib gacanta ugu dhigaan Afar baabuur oo ka mid ah shantii baabuur waxaana maleeshiyada laga qabsaday Afar baabuur oo ay ka firxadeen iyo maxaabiis gaadhaysa Afartameeyo.

Iyada oo haatan uu dagaalku ka socda gudaha iyo nawaaxiga, magaalada Buuhoodle, isla markaana ciidamadu gacanta ku hayaan magaalada, khasaare ballaadhanna loo geystay maleeshiyadii weerarka soo qaadday, waxa la sheegayaa in khasaaraha ciidanka Qaranka Soo gaadhay aanu badnayn.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay deegaanka Buuhoodle isku soo urursadeen maleeshiyo beeleedyo deegaamo kala fog isaga yimi kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul-qulayay magaalada iyada oo hub iyo saanad milatari looga keenayo deegaamada Puntland iyo ismaamulka Soomaalida ee Kilalka 5aad, isla markaana ay magaaladu la ciir-ciiraysay marit-gelinta dadkaas faraha badan. Waxaanay tani sababtay in maleeshiyo beeleedka deegaanka yimi oo markooda horeba ku talo galay inay dagaalamayaan ay sii joogi kari waayeen deegaanka sababo la xidhiidha inay culays badan ku hayaan dadka deegaanka isla markaana ay sii joogi kari waayeen.

Wixii warar ah eek a soo kordha kala soco SomalilandPost

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories