HomeMaleeshiyaadka Laascaanood oo Weerar Ku Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland

Maleeshiyaadka Laascaanood oo Weerar Ku Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost) – Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Isku urursaday Laascaanood, ayaa duhurnimadii maanta weerar ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ku leeyihiin Duleedka Galbeed ee magaalada Laascaanood, gaar ahaan Buuraha Xargaga.

Dagaalka oo ku bilaabmay Tuur-tuuris ay labada dhinac weydaarsadeen, kaddib markii maleeshiyaadku fadhiisimada Galbeed ee Ciidanka Qaranka ku garaaceen hoobiyeyaal iyo jawaabo Ciidanka Qaranku ka bixiyey, ayaa si rasmi u bilaabmay duhurnimadii oo maleeshiyaadku weerar ku ekeeyeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Galbeedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan Buuraha Xargaga.

Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Buuraha Xargaga ayaa ah goob istaraataji ah oo marin u ah Sahayda iyo Gurmadka Fadhiisada Ciidanka Qaranka ee Bariga Laascaanood, gaar ahaan Taliska Goojacadde, waxaanay malleeshiyaadku muddooyinkii u dambeeyey qorsheynayeen sidii ay u qabsan lahaayeen marinkaas.

Toddobaadkii hore ayaa Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Guutooyin Ciidan ah oo dheeraad ah ku soo kordhiyey Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Galbeedka Laascaanood, kaddib markii laga war-helay dhaq-dhaqaaqyada Maleeshiyaadka oo tiraba dhowr jeer ku jabay weeraro ay ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Bariga Laascaanood.

Wararka aanu ka helayno Aagagga Laascaanood, ayaa sheegay in maleeshiyaadku weerarka soo qaadeen duhurnimadii maanta kaddib markii khasaare ba’ani ka soo gaadhay jawaabo Ciidanka Qaranku ka bixiyey weerarro hoobiyeyaal ah oo Maleeshiyaadka huwantu soo qaadeen subaxnimadii saaka.

Wararku waxay intaas ku dareen inay Ciidanka Qaranku dhirbaaxo ku dhufteen malleeshiyaadka oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Wararku waxay intaas ku dareen in maleeshiyaadka Huwanta ah ee weerarka soo qaaday ay Ciidammada Qaranku gacanta kaga dhigeen maxaabiista iyo gaadiid dagaal.

La Soco wixii warar ah ee soo kordha…….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories