Home”Malaha isma maqalaysid, miyaanu ahayn reerkii shalay aad lahayd waa gob oo...

”Malaha isma maqalaysid, miyaanu ahayn reerkii shalay aad lahayd waa gob oo abaal baanu u haynaa…”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boqor Bad-madow oo Naqdiyey Hadal ka soo yeedhay Suldaan XiirayHargeysa (SLpost)- Boqor Axmed Bad-madow, ayaa u jawaabay Boqor Cismaan Buur-madow oo shir-weyne Beel ka tirsan beelaha Habarjeclo Arbacadii ugu soo gebo-gaboobay ka sheegay in Habar-jeclo ka tashanayso Isk-gaashaan-buuraysiga siyaasadeed ee ay wadaagaan beelaha Habar-Awal.

Boqor Axmed Bad-madow oo daba-socda hadalka boqor Cismaan Buur-madow, ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu xalay soo saaray oo saxaafadda la soo gaadhaysiiyey.

Qoraalka Boqor Bad-madow, ayaa u qornaa sidan:- “Dhaqan bay leedahay Boqornimadu iyo Caaqilnimadu, Milgo ayuu hadalkuna leeyahay, anigu u hadli maayo sidii Boqor Cismaan oo Nin dadkiisa metelayaan ahay. Habar-jeclo iyo Habar-awal wax wayn baa ka dhexeeya, dadkuna hadduu yahay dad wada dashay intaa wax buu iska dilaya, waxna way kala galayaan, wax walbana waxa ka wayn tolnimada dadka ka dhaxaysa.

Boqor Buurmadoow wuxuu doonayaa inuu sida uu u hadlay inaannu u hadalno si u eeg oo inaan la catamuu doonaya. Anigu waxaan ahay Boqor metela Reerkayga oo haysata Xasaanaddii reerka. Laakiin, isagu ma haysto oo shirkii Gar-adag ayaa lagaga qaaday, hadalladan oo kale markuu ku hadalayo wuxuu u haystaa inuu wax na yeelayo, laakiin reerkooda uun buu wax yeelayaa.

Mujaahid Maxamed Kaahin annagaa u Abtiya, wixii ku dhacayna waxaannu ka raalli nahay may ahayn, waxaad mooddaa Mujaahid Maxamed Kaahin inuu ku diganayo, annagaa ka xun Inankii shalay ay Xabbaddu ku dhacday ee Askariga ahaa, Annagana shalayto Inankii lagu dilay Barriga ee Ciidanka Qaranka ahaa waxaannu u arkaynay inuu ka dhintay Qaranka. Inankayagii shalay xabbaddu ku dhacday ee Mujaahid Jabaan dhalay ee sida foosha-xun leh Madaxa looga toogtay annagu umaannaan eedayn reerka Habar-jeclo ee sharcigaannu ku eedaynay illaa immikana u haysannaa.

Haddaba, waxan Mushkilad ah oo uu xaaqijiyey in uu ka dhintay Boqor Qaddaafi oo aannu u aragno inuu yahay Agoon aan waxba Xeerinayn oo wixii afkiisa ku soo dhacaba odhanaya, malaha isma maqalaysid waxad shalay reerkii aad lahayd waa gob oo abaal baannu u haynaa, annagu shalay markuu afduubay Tijaarkii Illaahay ha uu naxariste Juujule Habar-jeclo ayaa kiiska lahayd oo eedda leh kuma lahayn Maxamed Kaahinna wuxuu ahaa shalay kii ka soo furtay.

Maalinna Wasiirradooduu caayaa maalinna wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ayuu yidhaahdaa Nin hadalka u fiirsanaya maaha Boqor Buurmadoow, aniga iyo reerkayaguba Boqor Buurmadow uma haysanno Boqor, annagu waxaannu mahad-celinaynaa Cuqaasha Habar-Jeclo waxaanan leeyahay annagu adiga dartaa kuu caayi mayno reerka aad tahay, ee waxaan kaga baxayaa is dhagayso Cismaanoow. Anigu waxaan ku haystaa inaad tahay kii baray Somaliland afduubka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories