HomeMalabku Waxa Uu Daweeyaa Nabarrada Caabuqu Galo Ee Bogsan Waaya, Waxa Aanu...

Malabku Waxa Uu Daweeyaa Nabarrada Caabuqu Galo Ee Bogsan Waaya, Waxa Aanu Ka Hortegi kara Indho Beelka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Xeeldheerayaal caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in malabku uu dawo dhaqameed taariikhiya ahaa muddo aad u dheer, dadkii horena u adeegsan jireen daweynta xanuunno badan oo ay sababaan Fungus ku. Xeeldheerayaashan oo u warramay Idaacadda Russia Today ee dalka Ruushka ayaa sheegay in uu malabku ay suurtogal tahay in uu burburiyo Fungi indho la’aan ku keena qofka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in maaddooyinka iyo waxyaabaha uu malabka ka kooban yahay ay awood u leeyihiin in ay burburiyaan dahaadhka sare unugyada ay isku hoos sameeyaan Fungiyadu, arrintaas oo dawooyinka hawl badan iyo tayo badan uga baahan.

Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in boqolkiiba 60 illaa 80 cudurrada aadamaha ku dhaca  ee caabuqu sababo, ay xidhiidhi la’ leeyiin caabuq jiitamay muddo dheer iyo nabarro bogsan waayey oo Fungi ku jiro, waxa aana inta badan sababa isticmaalka dawooyinka dila jeermiska ee Antibiyootikada (Antibiotics) loo yaqaanno ee saamaynta ballaadhan leh.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay sheegaysaa in Fungiyada iyo noolaha kale ee ili-ma-qabatayga ahi marka ay nabarrada (Dhaawacyada) ku dhashaan waxa ay samaystaan dahaash sare oo baayoloji,  taas oo adkaysa daweynta nabarrada, sababi kartana in uu riiq-dheeraado nabarku. Laakiin imika culimadan waxaa u caddaatay in ay suurtogal tahay in malabka loo adeegsan karo in la daweeyo nabarradan xaaladdan oo kale ah, waayo waxa uu awood u leeyahay in uu dahaadhkaas sare burburiyo oo nabarka uu toos u gaadho iyo in uu si dhaqso ah u dhayo una bogsiiyo.

Qur’aanka Kariimka ah ayaa uu Alle (SWT) hore ugu sheegay in malabku uu dawo yahay, sidoo kale Nebi Muxammed (SCW) ayaa hore wax ugu dabiibay malabka, sidoo kale Malabku waxa uu dawo u ahaa ummado hore oo taariikhda dunida soo martay. Tan iyo markii uu tisqaaday cilmiga casriga ah ee caafimaadkuna waxaa si joogto ah u soo baxa daraasado sii caddaynaya in malabku uu dawo ka yahay cudurro badan oo qaarkood uu kaga fiican yahay daweyntoodana kaga dhaqso badan yahay dawooyinka lacagta badan iyo tijaabooyinka lagu sameeyo ee la isticmaalo oo iyagu marar badan qofka kaga taga raad dhibaato ku keena mustaqbalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories